Hargeisa(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan Wasiirro & Hawl-wadeenno sare oo ka tirsan Xukuumadda ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Hay’addaha Caalamiga ah ee xagga Horumarka ka shaqeeya oo ay ka mid yihiin Deeq bixiyeyasha Midowga Yurub (EU), Dalka Boqortooyada Ingiriiska (UK) Qaramada Midoobey (UN) iyo Wakiillo ama hawl-fuliyeyaal ka socday Hay’adahooda.
Madaxweynuhu waxa uu ugu horreyn Weftiga ballaadhan si weyn ugaga mahad naqay taageeradooda joogtada ah, waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay iskaashigani u leeyihiin horumarinta ajendaha horumarineed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan ayaa ahaa mid ku qotoma is-waafajinta hindisayaasha muhiimka ah ee lagu kobcinayo dhaqaalaha, horumarka bulshada, iyo hiigsiga horumar waara, taas oo xoojinaysa ka go’anaanshaha Jamhuuriyadda Somaliland ee iskaashiga caalamiga ah.
Wada-hadalladani waxa ay ahaayeen kuwo muujinaya in Beesha Caalamku ay si weyn u aqoonsan tahay amniga, xasiloonida iyo hannaanka dimuqradiyadda ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in la sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo Beesha Caalamka ka dhaxeeya.
Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga mid mid u guddoonsiiyay Hadiyad astaan u ah iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamka.