Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa la filayaa muddada
Wefti uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr Xuseen Bashiir Xirsi, oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi Dr Axmed Maxamuud Jaamac iyo agaasimaha waaxda qorshaynta iyo Horumarinta siyaasadda, oo safar shaqo ku jooga Magaalada Nairobi ee dalka kenya ayaa booqday safaaradda Somaliland ee dalka kenya.
Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay safiirka safaarada kenya ee somaliland iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan safaarada waxaanay uga warrameen shaqada ay hayaan iyo xidhiidhka labada dal ee somaliland iyo kenya.
Masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka ayaa la filayaa muddada kooban ee ay ku sugan yihiin Dalka Kenya inay yeeshaan kulamo muhiima oo la xidhiidha shaqada wasaaradda horumarinta caafimaadka, waana safarkii shaqo ee ugu horreeyay ee masuuliyiintani dibada ugu baxaan tan iyo markii ay la wareegeen masuuliyadda wasaaradda horumarinta caafimaadka.