"Buuggeyga taariikhda siyaasadda iiguma jirto dhagar iyo dhiig umaddeed, waxaas'e bog walba igu qoran samo-talisnimo iyo ka shaqeynta Somaliland quruxdeeda Qarannimo, waxa igu qoran dulqaad iyo deganaanshiiyo, maanta waxa aan diyaar u ahay tartan iyo doorasho Madaxtooyo oo waqtigeeda ku dhacda. Doorasho diid waa nabad diid, Doorasho diid waa Dastuur diid.” Ayuu yidhi Ciro oo qoraal ku baahiyay barta uu ku leeyahay Facebook.