Xukuumadda oo Gogol-nabadeed Dhigtay Ceerigaabo iyo Ciidanka Madaniga oo la Qaramaynayo

Wednesday February 26, 2025 - 10:02:44
Waxaanu yidhi."Nabadgelyada in la soo celiyo ayaanu idiinku nimid,

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wafdi sare u dirtay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, si ay gogol nabadeed u dhigaan isla markaana loo qarammeeyo ciidamada madaniga ah ee ku sugan gobollada Sanaag, Sool, iyo Togdheer.

Wafdiga, oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa ka kooban wasiiro, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo si rasmi ah gogol nabadeed ugu dhigi doona beelaha magaalada wada deggan.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee gobolka Sanaag ay u tageen ay tahay soocelinta nabadgelyadda.

Waxaanu yidhi.”Nabadgelyada in la soo celiyo ayaanu idiinku nimid, qof walbana waa ka masuul, waxaanu idiinka rajaynaynaa in ILLAAHEY nagu asturo, safarkayagana ka dhigo mid lagu xasuusto nabadgelyada Ceerigaabo oo soo noqota,”

Sidoo kale, wuxuu ku dhawaaqay in la qaramaynayo ciidamada madaniga ah oo ka kooban maleeshiyo beeleedyo ay abuureen xiisado colaadeed oo ka taagan deegaannadan.

Waxaanu yidhi. "Ciidamada qalabka sida ayaa guud ahaan u xil saaran nabadgelyada shacabka, waxa aanu u nimid in cid kasta oo qori haysata ay ciidanka ka mid noqoto oo aanu qaramayno,”.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaguna sheegay in ciidamada Somaliland ay masuul ka yihiin amniga Ceerigaabo, balse ay doonayaan in colaadda wadahadal lagu dhammeeyo, isla markaana xukuumaddiisu ay nabadda siinayso mudnaanta koowaad.

Qoysas tiro badan ayaa ka qaxay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kadib markii shaqaaqo ay ka dhacday degaankaasi.
     
Loading...