Maalgelintan ayaa la filayaa in ay kobciso dhaqaalaha dalka, abuurto
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Imaaraadka Carabta uu qorsheynayo maalgelin ballaadhan oo ku saabsan macdanta iyo shidaalka Somaliland.
Wuxuu sheegay in wada-hadallo rasmi ah ay arrintan kala yeesheen madaxda Imaaraadka, iyagoo ka wada hadlay fursadaha horumarineed ee ku gadaaman Somaliland.
Maalgelintan ayaa la filayaa in ay kobciso dhaqaalaha dalka, abuurto fursado shaqo, isla markaana kor u qaaddo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in wada-hadallada ay sidoo kale ku jiraan mashaariic kale oo horumarineed, kuwaas oo lagu dhammeystiri doono iskaashi dhow oo dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.