Diyaargarow Ruuxi ah
Waxaa foodda inagu soo haysa Bisha barakaysan ee Ramadan. Bisha Ramadaan waa fursad qaali ah oo ay Muslimiintu uga faa’iidaystaan kor u qaadidda cibaadada, nafsad xakamaynta, iyo u dhowaanshaha Alle. Si looga faa’iidaysto si buuxda, waxaa lagama maarmaan ah in qofku si wanaagsan ugu diyaargaroobo. Diyaargarowgani wuxuu noqon karaa mid jidheed, nafsi ah, iyo ruuxi ah.
Bisha Ramadan waa xilli lagu xoojinayo xiriirka Ilaahay. Sidaas darteed, waa muhiim in la badiyo tawbad keenka, la akhriyo Qur’aanka, laguna dadaalo in qalbiga loo sii diyaariyo gudashada cibaadada sida salaadaha faralka iyo sunooyinka, Qur’aan akhriska, iyo ducooyinka. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la xasuusto ujeeddada soonka: in qofku Ilaahay dartii uga soomayo.
Ramadan wuxuu u baahan yahay dulqaad iyo naf xakamayn. Waxaa wanaagsan in qofku tababar naftiisa u sameeyo kahor inta aan bishu bilaaban, sida in la yareeyo caadooyinka xun sida hadalka badan, xanaaqa, iyo isticmaalka xad-dhaafka ah ee baraha bulshada iwm. Sidoo kale, in si tartiib ah loo yareeyo cuntada maalintii iyo in la seexdo saacadaha habboon waxay fududayn karaan in qofku si sahlan ugu adkaysto soonka.
Soonku wuxuu u baahan yahay qof caafimaad qaba. Sidaas darteed, waa muhiim in la hagaajiyo habka cuntada kahor bisha Ramadan. Waxaa habboon in la bilaabo cunista cunto caafimaad leh, la badiyo cabitaanka biyaha, lagana fogaado cuntooyinka dufanka badan leh. Intaa waxaa dheer, in la dhimo cabitaanka kafeyga iyo shaaha waxay ka caawin kartaa qofka inuu iska yareeyo madax-xanuunka maalmaha hore ee soonka.
Ramadan waa bil cibaado iyo sadaqo. Waa muhiim in la diyaariyo keyd dhaqaale haba yaraadee si wax looga bixiyo caawinta kuwa baahan. Sidoo kale, in la qorsheeyo dhaqaalaha si looga fogaado xad-dhaafka iyo lacag-bixinta aan loo baahnayn waxay fududayn kartaa in qofku diiradda saaro cibaadada halkii uu ka mashquuli lahaa arrimaha maaddiga ah.
5. Diyaargarow Qoys iyo Bulsho
Qofka Muslimka ah waxaa la gudboon inuu qoyska iyo asxaabtiisa ku dhiirrigeliyo inay si wanaagsan ugu diyaargaroobaan Ramadan. In guriga laga sameeyo jawi diini ah, lagu dadaalo salaadaha jamaacada, loona diyaariyo carruurta macnaha iyo qiimaha Ramadan, waxay qayb ka tahay diyaarinta qoyska.
Ugu dambayn Diyaargarowga wanaagsan wuxuu fududeynayaa soonka iyo cibaadada. Haddii qofku si tartiib tartiib ah u diyaargaroobo, wuxuu si sahlan uga faa’iidaysan doonaa fursaddan barakaysan. Waxaan Alle (SW) ka baryaynaa inuu nabad iyo caafimaad nagu gaarsiiyo Bishan barakaysan, nagana dhigo kuwa si wanaagsan uga faa'iidaysta.