Faallo:-Qaramaynta Ciiddanka Madanigu Qorshe Iyo Dhagar Waa Midkee?

Friday February 28, 2025 - 18:29:58
Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii ay talada dalka ku guulaysatay-ba shaacisay

Hargeisa(HWN):-Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaalilaand Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa bilowday Qorshe ay ku qaramaynayso Ciiddammada madaniga ah ee SSB iyo G36, kuwaasoo ah Ciiddan beeleedyo abaabulan oo deegaannadoodda ka ilaashadda duullaannada kaga yimaadda Ciiddammada huwanta ah ee ka dagaalama bariga gobolka Sool iyo meelo ka mida gobolka Sanaag.



Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa markii ay talada dalka ku guulaysatay-ba shaacisay in arrimaha hor-tebinta u leh ay ka dhigi doonto Qaramaynta Ciiddammada madaniga ah ee SSB iyo G36, kuwaas oo dagaalkii magaalada Laascaanood kadib, ka aasaasmay deegaannada ay deggaan beelaha Habarjeclo iyo Habaryoonis.

Ciiddan beeleedyada SSB iyo G36 ayaa marar kala duwan dagaalo ay dhex-mareen Huwanta ka dagaalanta magaalada Laascaannood, iyaddoo ay Ciiddan beeleedyada madaniga ahi ay yihiin Ciiddammo tiro badan oo Hub culusna ku qalabaysan, kuwaasoo loogu talo-galay inay deegaannadooda ka difaacaan Ciiddanka Huwanta ee Somaliland dagaalka kula jira, waxaannay Ciiddan beeleedyada madaniga ahi ay ku sugan yihiin deegaannadooda, isla markaanna ciddii ku soo xad-gudubta ay siiyaan jawaab culus.

Ciiddammada madanig ah ee SSB iyo G36 ayaa difaaca dalka kaalin wayn ka qaatay, iyagoo ka dhinac dagaalama Ciiddammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee jiiddaha hore, kuwaasoo dhirbaaxo iyo jawaab aannay ka soo waaqsan Karin siiya cadowga Soomaalilaand ee duullaanka ku ah Horumarka iyo Amniga ay mudada dheer ku naaloonaysay Soomaalilaand.

Madaxweynaha Soomaalilaand Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa 18-kii bishii jannaayo ee aynu soo dhaafnay waxa uu sheegay in Ciiddan beeleedyada madaniga ah la qaramayn doono, isla markaanna tababarro la siin-doono oo Ciiddan dawladdeed oo Mushahar qaata laga dhigi doono.

Haddaba, Xukuumadda Madaxweyne Cirro miyay ku saxsan tahay inay Ciiddan beeleedyada SSB iyo G36 ay hubka ka dhigto oo la qarameeyo, iyaddoo ay taaggan tahay colaaddii markii horeba isku keentay? Mise waa Qorshe dhagaraysan oo cid aan Nabad-rebin ayaa soo malleegtay oo waxbaa ku hoos jira, waayo Ciiddan beeleedyadani Xuduud ma ilaaliyaan ee deegaannadooda, Maatiddooda iyo Xoolahoodda ayay ilaashaddaan, waxay joogaan meelkasta oo beelahaasi deegaan ahaan u deggan yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Madaxweyne Cirro haddii ay damaanad qaadayso inaan hal Qoys waxba la gaadh-siinayn oo ay iyaddu dusha u ridanayso Amniga Shacabkaas Xoolo dhaqatadda ah, waa wax wanaagsan, waanna lagula Xisaabtamayaa, balse yaan la hoosaasin Shacabkaas is abaabulay ee Ciiddan beeleedyada samaystay ee deegaannadoodda ilaashannaaya.


     
Loading...