Deeqdii Waxbarashadda Ee Taiwan Siisay Somaliland Oo La Musumaasuqay & Arday Kashifay Sida Musuqmaasuqu Udhacay

Wednesday April 13, 2022 - 08:24:37
Hadhwanaagtv
"Hay'addu waxay si cad noogu sheegtay in aanay wax liis ah u gudbinin safaaradda"

Taiwan waxay sanad kasta bixisaa deeqo waxbarasho oo kala geddisan kuwaasi oo ay ugu caansan yihiin TaiwanICDF scholarship iyo MOFA scholarship.

 

Haddaba u kaalay TaiwanICDF oo ah deeq waxbarasho oo gebi ahaanba kharashaadka ardayga la kafaalo qaado (Fully funded scholarship).

 

Deeqdan waxbarasho ee TaiwanICDF waxa ay furantay February/1/2022 waxa aanay xidhantay March/15/2022, haddaba sida lagu baahiyay websiteka hay’adda bixinaysa deeqdan oo lagu magacaabo ICDF waxa kala shaandhaynta tartamayaashu soo gabo-gaboobaysaa 31-ka bisha shanaad ee sannadkan iyadoo intaas ka dibna liiska guulaystayaasha ay hay’addu la wadaagi doonto safaaradaha dalka Taiwan ee ku yaalla dalalka shisheeye ee Somaliland ka midka tahay, si ay safaaraduhu ugu yeedhaan oo u wargaliyaan guulaystayaasha.

 

Haddaba aniga iyo tartamayaal kale ayaa waxa aanu markaliya kuwar helnay in Safaaradda Taiwan ee Hargeisa ay toban cisho kohor oo ku beegnayd Sabtidii 2-da April 2022 ay u yeedhay 20qof oo ay sheegtay inay yihiin guulaystayaashii ay Hay’adda ICDF usoo gudbisay yadoo isla maalintii shalay ahaydna ka qaadday Imtixaan ay ku xulatay 7 qof oo kamid ah 20kii qof ee loo yeedhay. Ogow oo hay’adda ICDF iyo Jaamacadaha kuyaala Taiwan midkoodna ma soo gudbinin liis guulaystayaal ah oo lamaba gaadhin wakhtigii ay gudbin lahaayeen taasi oo ah 31ka bisha shanaad. Intaas kaddib waxa aanu la xidhiidhnay safaaradda, waxa aanay noo sheegeen in: hay’adda ICDF usoo gudbisay liiskii guulaystayaasha; isla markaana intaxaankii laga qaaday oo 7 qof soo bexeen, CAJIIB!.

 

Waxa aannu toos ula xidhiidhnay hay’adda ICDF ee deeqdan maalgalisa waxa aanu u sheegnay in safaaradda Taiwan ee ku taal dalka Somaliland la yidhaa ay kala xushay guulaystayaashii kaddib markii idinku (ICDF) aad usoo gudbiseen liiska guulaystayaasha, Hay’addu waxay si cad noogu sheegtay in aanay wax liis ah u gudbinin safaaradda isla markaana aan la gaadhinba xilligii ay u gudbin lahaayeen safaarada oo ku beegan 31ka bisha shanaad. Dhinaca kale waxa aanu yagana la xidhiidhnay qaar kamid ah jaamacadihii aanu xeraynay kuwaasi oo yaguna noo xaqiijiyay in aanay weli kala saarin tartamayaashii soo codsaday Adhmiishanada.

 

Safaaradda Taiwan ee Hargeisa kutaal waxa wakhti xaadirkan u diyaarsan dhammaan guulaystayaashii deeqdaas waxbarasho oo sida sharcigu yahay ay ahayd in 31ka bisha shanaad hay’adda ICDF usoo gudbiso safaaradda, si safaaradduna ugu dhawaaqdo. Lakin nasiib darro safaaraddu yadaa ICDF iyo waxkasta isu noqotay oo dad diyaarsatay.

 

Haddii Alle idmo, marka la gaadho 31-ka bisha shanaad waxa hay’adda ICDF soo saari doontaa liiska guulaystayaasha xalaasha ah taasi oo lala soo wadaagi doono Safaaradda Taiwan ee Hargeisa si ay guulaystayaashaas u dhashay Somaliland ula xidhiidhaan oo u ogaysiiyaan in ay guulaysteen laakiin nasiib darro cid la xidhiidhi doontaa ma jirto oo waxa lagu beddeli doonaa dadkii bishii 3aad iyo 4aad lasii diyaarsaday, kuwaasi oo ICDF looga dhigi doono kuwii xalaasha ahaa, kumana dhawaaqi doonaan guulaystayaasha gacan ku rimiska ah ilaa la gaadho 1-da bisha lixaad ee sannadkan, Oo imikaba waa u diyaare may ku dhawaaqaan? Ku dhawaaqi maayaan imika waayo waxa fashilmaya musuqa, ICDF-na way ogaanaysaa.

 

Xogtan waxa bixiyay Arday Magaciisa ku soo koobay Muxumed

     
Loading...