Maanta waxa Telephone dhawr mar ii soo diray wiil dhallinyaro ah oo reer Somaliland ah. Wiilka Ramadantii dhawayd ayaa wiil kale oo aanu asxaab nahay igu soo xidhay waxaanu ii raaciyay in uu wiilku rabo boos shaqo oo ka ag dhawaa qof aan asxaab nahay si aan ugala hadlo haddii ay suurto gal tahay. Maalmo kadib ayaa wiilki Hargaysa yimi si aan u kulanno, is xog waraysi guud kabacdi waxa uu ii sheegay in uu yahay nin xaasle ah waxaana lama huraan noqotay in inta taagtayda ah masuuliyad dheeraad ah iska saaro ka soo dhalaalidda arrintaas dedaal dheeri ahna aan galiyo.
Waxaan habeenkaas u sheegay in aanan ka hagran doonin wixii dedaal ah kalsooni dheeraad ahna aan ku qabo cidda ay hawshu ka soo gashay, sidoo kale waxaan u sheegay in aan ku faraxsanahay in aan is baranno wiil dhallinyar ah anaka oo aanay jirin intaas wax noo dheer oo aanu isaga sii dhaafnay haybtiisa iyo tayda midna.
Maalmo kooban oo aan hawsha kala xidhiidhay cidda ay khusaysay ayuu ii sheegay in uu isna helaayo wasiir ay isku beel yihiin oo u ballan qaaday marka uu hargaysa yimaado in uu u raaco Maamulka iyo masuuliyiinta meesha aanu ka rabno shaqada, waxaaxan ugu jawaabay wa si wanaagsan wasiirkana soo kaxee oo u gee maamulka anna inta hadhay in aan dhameeyo igu daa iddamka ALLE.
Wiilki Maalmo badan ayuu wasiirkii ay isku haybta ahaayeen daba wareegayay waxa kaliya ee uu ka rabayna ahayd in uu ula hadlo masuulka meesha uu fursadda ku arko madaxda ka ah, nasiiib xumo maalmo dhawra ka bacdi ayuu ii sheegay in uu ku dabo daalay wasiirkii una badantahay in aanu la rabin in uu helo fursadaas.
Habeen ka mid ah habeenada afurada ka bacdi ayaanu balannay wiilkii, sida oo kale waxa aan la hadlay oon u sheegay in aanu u baahanahay Masuulkii aanu asxaabta ahayn ee wiilku ka rabay shaqo galinta, waxa uu ku qancay arrinka wiilkan dhallinta ah waxaanu naga aqbalay in uu noogu yimaaddo suuqa, markuu noo yimina waxa aan u soo jeediyay in liiska ku daro wiilka.
Mas'uulkaas oo is qaderin iyo saaxiibtinimo dheeri naga dhaxayso ayaa si fudud iigu yidhi "Saaxiib hawshaas haatan waa dhamaatay oo way nagu adagtahay ee kawaran hadaan wiilka boos maamul sare ah uga dhiibno magaaladiisa hawshaas ma qaban karaa ayuu igu yidhi" aniga oon ogayn wiilka iyo xataa heerkiisa aqooneed ayaan ugu jawaabay haa waa wiil wax bartay oo wu qaban karaa hawshaas ee ninkaas aan ku gacan qabanno intaas mudane; sidaas ayaanu ku aqbalay waana ay ballameen si uu si qotto dheer uga waraysto in uu hawshaas loo diri doono ka soo bixi karo leeyahayna kartideeda muumul iyo aqooneedba sidaas ayaananu ku kala tagnay habeenkas.
Maalmo ka bacdi wiilki waa isoo wacay maanu isu haleelin in aanu sheekaysanno wuxuuse iisoo duubay dhawr Cajaladood oo farxadi ku dheehantahay aadna uu iigu mahad celinaayo waxaanu untaas ii raaciyay in uu Abaal gud ii samayn doono wakhtiga ay noqotaba. Run ahaantii anigu isuma arkayn in aan qabtay wax aan Abaal iyo Mahadcelin intaas le'eg ku mutaysto. Waxaanan u raaciyay in intaas iyo in ka badanba isku leedahay dhallintu maadaama iyaku ay isku duruuf iyo isku dareen yihiin una qalmo intaas iyo in ka badanba, ninkii hargeysa u yimi shaqaalaysiin hoosena waxa uu isla halkiisii ku laabtay isaga oo hantiyay shaqo sare ugana dheef iyo sumcad badan halkii uu u socday.
Mudo kooban ayaa kasoo wareegtay wakhtigii arrinkaas aanu dhamaynay sidii se maanta ayaan isa soo qabanay, isaga oo aad u faraxsan ayuu ii sheegay in uu Qoyskiisii wiil kusoo Biiray wiilka iyo hooyadiina aad u cafimaad qabaan.
Warka labaad ee Farxada leh ayaa ahaa in uu ii sheegay in uu go'aansaday in wiilkaas reerka ku soo biiray aniga la iigu magac daray loona bixiyay Hanad. Hanad-yare allah Swt ha barakeeyo iyo dhammaan Qoyskiisa runtii aad ayaan ugu farxay qalbi wanaagga qoyskaas soo koraaya, waxay ii muujiyeen Ikraamid aad u qaali ah waad dareemi kartaan in ay iigu magac dareen wiilkoodii.
FG: dhalinyarada iyo qof kasta oo jaanis raadinaya uu noloshiisa wax kaga bedelo waxa haboon in uu samaysto asxaab iyo dad akhyaar ah oo ay is gacan qabtaan. Waan rajaynaya in uu qofkasta oo dhalinyaro ah uu maalin uun soo ogaan doono in ayna qabyaalad xal nololeed u keeni doonin balse ay ka fogayn doonto, qof kastaana qofka uu ka asxaab iyo dad la dhaqan fiican yahay misna ka dhex gal badanyahay uu ka fursado badan doono
#Talo