Kulan-hawleed Lagu Dardargalinayo Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha Dalka.

Sunday April 27, 2025 - 21:06:44
hadhwanaagnews
Waxa kulanka shir gudoomin doona Wasiirka Wasaaradda

Waxa hadii Rabi qadaro bari ka qabsoomi doona Magaalada Hargeisa kulan-hawleed ay ka soo qaybgali doonaan 14 xubnood oo ka tirsan Gollaha Wasiirada JSL iyo waliba Gudoomiyaha Bangiga-dhexe ee JSL.

Kulan-hawleedkan oo qaybka ah shirar lagu dardargalinayo horumarinta arimaha dhaqaalaha Dalka waxa uu daba socdaa kulan noociisa ahaa oo qabsoomay 16-kii February, 2025, iyada oo kan loo qorsheeyey inuu qabsoomo bari diirada lagu saari doono wixii ka fulay qodobadii ka soo baxay kaa hore, waxa war-bixino ka jeedin doona gudiyo-farsamo oo kulamadaa hore lagu sameeyey, madaxda kulanka qaybta ah ayaa kadib dood iyo falanqayn ka yeelan doona arimaha hortabinta u leh ka Xukuumad ahaan iyo sida loo kala siinayo mudnaanta wadaagayaasha tiirarka dhaqaalaha wakhti dhaw.

Waxa kulanka shir gudoomin doona Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Cabdillaahi Xasan Aaden, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Md. Maxamed Xasan Saleebaan oo hadalka lagu ibo-furayo kulanka jeedin doona ayaa sidoo kale qayb ka noqon doona kulanka.

Kadib markii ay xilka la wareegtay Xukuumadda cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) dabayaaqadii kal-hore waxa wax weyn laga badelay waajibaadka shaqo ee Wasaaradda Maaliyadda oo waxa lagu soo daray Qaybta Horumarinta Dhaqaalaha. Iyada oo taa laga duulayo waxa ay Madaxda-sare ee Wasaaraddu bilaabeen hawlo lagu dardargalinayo arimaha la xidgiidha hore-u-dhigista dhaqaalaha Dalka, waxa la yagleelay Gudiyo heer Wasiira, kuwaas oo midba meel ka soo galayo Wadaagayaasha dhaqaalaha, kulamo gogol xaadh ah ayaa bilawgiiba la isku yimid, waxa la dejiyey Qorshe-hawleed lagu shaqeeyo, gudiyo farsamo oo is-ku-dhaf ah ayaa la magacaabay, waxa la is la meel dhigay jidwal shaqo oo wakhtiyeysan iyo hawle kale oo door ah.
     
Loading...