1-Deegaan wax akhris: Waa in aad lahaataa goob jawi deggan oo ka caagan buuqa iyo sawaxanka dadka, si maskaxdaada ay xaadir u noqoto.
2-Goob iftiin fiican leh in aad hesho waa muhiim, waxaa lagu taliyaa in iftiin meel dhexaad ah wax lagu akhriyo si loo ilaaliyo caafimaadka indhaha.
3-Samayso waqti kuu gaar ah oo aad wax akhrido maalin kasta, tusaale ahaan afarta galabnimo ilaa shanta galabnimo waxaad ku akhrin kartaa laba buug adiga oo si fiican u dhuuxaya buugga.
4- Samayso buug kuu gaar ah (Notebook) oo aad ku qorto faa'idooyinka buugaagta.
5-Saaxiibo wanaagsan oo kugu dhiirigeliya wax akhrinta waa muhiim, haddii kale ku biir naadiyada akhriska ee deegaankaga ama kuwa online ka ah.
6- Ku bilow buugaagta yaryar ee ku qoran luuqad la fahmi karo, buugaagta aad akhrido waa in ay u dhaxaysaa 100-150 bog inta aad bilowga tahay.
7-Ismaqashiinta: Dadka qaar ee akhriya buugaagta waxay doorbidaan in ay cod sare ku akhriyaan buugaagta, balse waxaa ka habboon kana Faham badan marka aad aamusantahay.
8-Bilowga buugga waa in aad akhridaa tusmada buugga, taariikhda qoraaga,waxa uu ku saabsanyahay buugga, iyo horudhaca buugga, taasi waxay kaa saacidaysaa in aad fikrad fiican ka haysato buugga aad akhrin doonto.
9- Xulo buug heerkaaga gaarsiisan: marna ha isku mashquulin buugaagta waaweyn ee ka sareeya heerkaaga, waa in aad doorataa buug facaaga ah oo aad dhamayn karto, sidoo kalena aad fahmi karto waxa ku qoran.
10- Ka fogow wax kasta oo mashquul kugu furi kara inta aad ku jirto wax akhrinta, sida moobilka, Raadiyaha, Tvga, iwm.
????Talo: Waxaa inta badan dhacda in bilowga hore ay kugu adkaato laqabsiga buugaagta, balse waa inaad ku dirqisaa naftaada, wax akhrisku waa Sida jimicsiga oo kale bilowga hore dhib bay kugu tahay, haddiise aad la qabsato waxay kuu noqon doontaa caado iyo dhaqan.
W/Q: Abdurrahman Caqiil
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!