1: "Haddii ay samadu xorriyad soo da'do, waxa aad arkaysaa kuwo addoomo ah oo dallad ka sita.”
2: "Hala saaxiibin dadka xunxun, waxa ay kuugu mano-sheeganayaan in aad sharkooda ka nabad gashay.”
3: "Shaqadaada tayee, riyadaada ayaa rumoobiye.”
4: "Dhibka ugu weyn ee aad mudataa haddii aad diido in aad ummadda hoggaamiso, waa in uu ku hoggaamiyo ruux kaa liitaa.”
5: "Saaxiibtinimada ugu dhibka badani, waa ta uu ruuxu la saaxiibo naftiisa.”
6: "Noloshu waa yiddidiilo, ruuxa yiddidiiladaas waaya noloshii wuu waayay.”
7: "Waa ay fududahay in aan cafino ama u cudurdaarno ilma yar oo mugdiga ka baqaya; musiibada nolosha ee dhabta ahi waa marka ay dadka qaangaarka ahi ka baqaan iftiinka.”
8: "Akhlaaqda heerka ugu sarreysa, waa in uu qofku ka xishoodo naftiisa.”
9: "Jaahilnimadu waa asalka xumaha oo dhan.”
10: "Aqoon-darrada oo diin lagu daray, waa argagax; aqoon-darrada oo xorriyad lagu darayna waa foowdo; aqoon-darrada oo talis (maamul) lagu darayna waa kalitalisnimo: aqoon-darrada oo maal lagu darayna waa musuqmaasuq; aqoon-darrada oo faqri lagu darayna waa dambi.
Aqoon-darridu waa gundhigga xumaaan oo idil.”
11: "Ruuxa kugu ammaana wanaag aadan lahayn, isaga oo ka raalliya; waxa uu kugu caayaa xumaan aadan lahayn, isaga oo kaa cadhaysan.”
12: "Aqoonta aad naftaada u leedahay, kaga kalsoonow amaanta dadka kale ku ammaanayaan.”
13: "Haddii aad wanaag ku daasho, daalku wuu tagayaa wanaaguna wuu hadhayaa. Haddii aad dambi ku raaxaysatana, raaxadu waa ay tagaysaa oo dambiga ayaa hadhaya.”
14: "Sharaftaada dhawr way ku dhawraysaaye.
Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!