Xikmadihii Iyo Odhaahyadii Madaxweyne Abraham Lincoln (Xorreeyihii Dadka madow ee Mareykanka)

Sunday May 23, 2021 - 12:20:27
hadhawanaag
Buuggii ugu mudnaa ee aan akhriyay waa hooyaday."



1: "Ma jiraan wax dhayal ahi noloshan, xitaa turunturooyinka yaryari waa tilmaamayaal ku tusaya in aad wax ka barato.”

2: "Saaxiibku waa kii aad leedihiin cadow isku mid ah.”

3: "Haddii aad dadka dhinaca xun ka eegto oo aad uraadiso, waa hubaal in aad u helayso.”

4: "Qaabka ugu mudan ee aad cadaw uga takhalusaysaa, waa in aad saaxiibkaa ka dhigato.”

5: "Qofkasta waa uu jeclaystaa in uu muddo dheer noolaado, balse ma jiro qof doonaya in uu gaboobaa.”

6: "Marka aad aragtid ruux dareenkiisu qabow iska yahay, oo aan danaynna, ogsoonow qofkaas waxa maandooriyay xannuun badan'e.”

7: "Waxa kuu roon in aad iska aamusnaato, dadkuna kuu maleeyaan doqon, intii aad hadli lahayd malahaasina dhaboobi lahaa.”

8: "Buuggii ugu mudnaa ee aan akhriyay waa hooyaday.”

9: "Waayuhu waxa ay ibareen, in dadka ka badhax-tiran gefafka aanay lahayn waxqabadyo la xuso.”

10: "Haddii ay saaxiibtinimadu tahay gol dalooladaada, waxa aad tahay qofka adduunka ugu xooggan.”

11: "Ha werwerin haddii laguu qiri waayo waxa aad tahay, dadaalkaagana sii wad, heer aad u qalanto in laguu qiro waxa aad tahay.”

12: "Aabahay waxa uu ibaray in aan shaqaysto, balse ima barin in aan shaqada jeclaado.”

13: "Raggu in ay aamusaan markii looga baahnaa in ay hadalkooda caddeeyaan waa fulaynimo.”

14: "Akhlaaqdu waa sida geedka, sumcaduna waa sida hadhka, innaguna hadhka ayaan ka fekernaa innaga oo aan geedka ku xisaabtamin.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Maxamed Deeq Darajo

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...