Dawada jaahilnimada waa inaad wax su'aasho. (SCW)
Marka aad aragto qof la siiyay in ka badan inta aad heysato lacag & quruxba fiiri kuwa aan la siin labadaba. (SCW)
Muslimku ugama tago Muslim kale caawinaad la'aan xilligii uu u baahnaa. (SCW)
RASUULKEENNA SCW wuxuu yiri way dhowdahay maalinta aakhiro waqtigu wuxuu ku gudbi doonaa si deg-degsiimo ay ku jirto, sanadku wuxuu u muuqan doonaa bil, bishuna isbuuc, isbuucana maalin, maalintana saacad. (SCW)
Guryaha guriga ugu fiican waa guriga ay agoontu ka helaan jaceyl & naxariis. (SCW)
Igula wada salliya xabiibkeenna Muxammad SCW.
Mahad Mohammed
W/Q: ABUU XIKMAD
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!