Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in lagu
soo wargeliyay in dadka tahriibayaasha ahaa ee meydkooda laga helay xadka
Giriiga iyo Turkiga ay ku jireen shan qof oo Soomaali ah.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa
waxaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga xumaatay
dhacdadii naxdinta lahayd ee soo gaartay shaqsiyaadkii dhintay ee la Aasay
todobaadkan.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo
leh u dirtay qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee
geeriyoosay, kuwaas oo kala ah .
1. Cabdi Mahdi Cali
2. Yaxye Jamaal Muumin
3. Abuubakar Axmed Ibraahim
4. Naasir Sulemaan Xasan
5. Najax Cabdi Axmed.
” Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u soo jeedinaysaa
dalalka ay khuseyso iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR
inay si deg deg ah u daba galaan oo ay baaritaan ku sameeyaan xaaladdaha ku
xeeran dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxayna si kulul u
cambaareyneysaa xadgudubyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha iyo Badbaadada
nolosha bini’aadamka iyadoo la raacayo Axdiga 1951 ee laxiriira Xaalada
Qaxootiga iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka.