Diblomaasiyad la karinayo: Xusuusta doodda Kulankii 1aad ee Rayaale & Meles VS kulanka Cirro iyo Abiye Axmed ee maanta

Tuesday October 14, 2025 - 18:20:53
hadhwanaagnews
Sida aan ka soo xigtay xusuus qor uu Wasiirkii wakhtgiaas


Madaxwayne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, Madaxweynaha JSL, wuxuu maanta u baxayaaa Itoobiya si uu ula kulmo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo martiqaad rasmi ah u soo diray, waana kulankoodii u horeeyay.

Kulankani wuxuu i xasuusiyay kulankii u horeeyay ee uu Madaxweynihii 3aad ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu ku tagay Addis Ababa ee uu kula kulmay Raysalwasaarihii hore ee dalkaas Meles Zenawi oo martiqaad rasmi ah u soo diray.

Sida aan ka soo xigtay xusuus qor uu Wasiirkii wakhtgiaas ee arrimaha dibadda Somaliland Marxuum Maxamed Siciid Gees, sannadkii 2004 dabayaaqadiisii ku qoray wargeyska Jamhuuriya, wuxuu Madaxweyne Rayaale kulankaas u horeeyay uu Meles Zenawi si toos ah ugu weydiistay oo uu ugu bandhigay aqoonsiga qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland.

Laakiin Meles Zenawi, wuxuu codsigaas Madaxweyne Rayaale kaga jawaabay sheeko xikmad ah oo Itoobiya caan ka ah oo uu nuxurkeedu yahay "Sidii loo karin lahaa rah biyo ku dhex jira iyadoo aanu rahu ku dareemin” sidaas ayaanu Somaliland ictiraafkeeda u wadnaa.

Marxuum Gees, wuxuu yidhi "Sheekadani way naga qoslisay, mana aanu garan wuxuu ula jeeday Raysalwasaare Meles Zenawi.”
Maanta iyo Madaxweyne Cirro.

22 sannadood kadib kulankaas Meles iyo Rayaale, Madaxweyne Cabdiraxmaan oo muddo sannad ah xilka haya, ayaa maanta la kulmaya Abiy Axmed, Raysalwasaare dhalinyaro ah, firfircoon, balse siyaasaddiisu ay mararka qaar dhaliso muran gudaha iyo dibaddaba.

Madaxweynaha Somaliland waxaa lagu tijaabin doonaa, sida uu kulankaas ugu soo. bandhigo baahida qaran ee Somaliland oo ah aqoonsi iyo inuu dib u abuuro kalsooni diblomaasiyadeed oo macno leh oo Addis Ababa iyo Hargeysa ka dhaxaysa. Tan oo muhiim ah marka la eego in safarka Madaxwayne Cirro ku tegay Addis uu yahay mid raagay, marka loo eego madaxwaynayaashii ka horeeyey.

Itoobiya waa deris istaraatiiji ah, balse waa dal sidoo kale leh dano xooggan oo ku wajahan badda, ganacsiga, iyo gobolka. Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya waxa hagi jirtay dano qaran oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale, laakiin maanta siyaasadda arirmaha dibadda Itoobiya waxa lagu eegaa doonista Raysalwasaaraha oo aad ugu aaddan hellidda marin biyood.

Madaxweyne Cirro waa inuu xasuustaa in kulankaasi aanu ahayn mid sawir iyo salaam kaliya, balse uu yahay imtixaan siyaasadeed oo lagu cabbirayo sida Somaliland u difaacan karto masiirkeeda iyadoo aan xidhiidhka deriska jebin.

Waxa xusid mudan oo ay tahay in hoosta laga xarriiqo in madaxwaynaha Somaliya uu booqday Addis Ababa ka hor madaxwaynaha Somaliland. Danaha Somaliland iyo kuwa Somaliya waa isku lid. Booqashada Xasan Sheekh ee Addis Ababa maaha mid ka madhan midda Cabdiraxmaan Cirro. Iyana waa xujo kale oo indhaha lagu hayo.

Waxa iyana aan meesha ka maqnayn dagaalka ay suurtagalka tahay inuu dhexo maro Eritriya iyo Itoobiya oo ay Itoobiya u baahan doonto deked ay ku xidhaan ciidankeedda baddu haddii dagaal qarxo. Somaliland ma bixin doontaa dekedaas?

Sida Meles Zenawi hadalkiisii u ahaa "rah aan dareemin in la karinayo,” sidaas oo kale waa in Madaxweyne Cirro uu fahmaa in siyaasadda Itoobiya aanay waligeed toos u socon, balse ay mar walba leedahay wax u qarsoon iyo xeelad. Waa dal guun ah oo leh taariikh dheer.
waxa qoray xildhibaan Maxamed Xuseeen Jaamac (Rambo) oo ka tirsan golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland
     
Loading...