Plaato Wuxu ahaa Filosoof giriig ah oo ku dhashay Athens Caasimada dalka
giriiga wuxu ka dhashay Qoys laandheere ah (Aristocratic Family) Waxa Barre u
ahaa Macalinkii weynaa ee Socrates.
Xiligii Waxbarashada Plato wuxu ku fiicnaa Xisaabta iyo Falsafada waxaanu ku
darsay dugsigii filo soofyada ee Waagaa.
Qoraaladiisa caan baxay Waxa kamid ahaa kuwii dawladnimada iyo Sharciga ku
saabsanaa.
plato wuxu aamin sanaa in dawladnimadu Ay ka dhalato baahida Aadmiga, Waxa kale
oo uu aaminsanaa qof na in aanu kali ahaantii isku filnayn oo uu baahi
gaar ah leeyahay.
Plato Wuxu Aaminsanaa Kuwa caawiya ee isku soo ururiya baahida bulshada si wada jir ah Inay Tahay Dawladda (State).
Dadka Plato Wuxu u qaybiyey laba qaybood kuwo loo Taliyo, Shacab (Ruled)
iyo kuwo iyagu Taliya, Madax ah (Rulers).
Plato wuxu u ololeeyey in dadka shacabka ah ee loo taliyo loo sameeyo Fasallo wax lagu baro, Plato wuxu dhiiri galiyey in caruurnimo dadka Wax lagu baro si gaar ah falsafadda iyo Tabaha dagaalka Maxaa yeelay waa Dadka dawlad-nimada difaacaya Marka weerar dibadeed ku yimaado.
Plato Wuxu Aaminsanaa Qofka marka ay da'diisu 30 gaadho in imtixaan laga
qaado, imtixaankaa qofkii kusoo baxa ayaa loo xulanayaa Mustaqbalka
Boqorka Dawladda( Future Philosopher King), Kuwii Imtixaanka ku dhaca
iyagana Waxa loo qaadanayaa Maamulka Guud ee Shaqooyinka Dawladnimo(General
Adminstrative Duties).
W/Q: Abdirisaq Ahmed Egal
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!