Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cabdi weli Gaas oo kulan ku yeeshay Gaalkacyo

Thursday June 11, 2020 - 15:27:47
HADHWANAAGNEWS
Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland




Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) ayaa Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee siyaasada dalka iyo tan gobolka Mudug oo shirar kala duwan ay ka socdaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) ayaa in ka badan todobaad waxaa uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo,waxaana la filayaa in Maanta uu booqdo saldhigyo Ciidan.

     
Loading...