Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Soo Bandhigay Xaqiiqada Barnaamij Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Furay Muqdisho

Sunday April 19, 2020 - 16:37:43
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Soo Bandhigay Xaqiiqada Barnaamij Uu Madaxweyne Farmaajo Ka Furay Muqdisho


Muqdisho(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey inaanu run ka sheegin barnaamijka Baxnaano oo uu ka daah furay magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dowladda weeraray – Hiiraan Net

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in barnaamijka Baxnaano aanu ahayn qaabka madaxweyne Farmaajo ugu sheegay bulshada waxaanu soo bandhigay xog uu ku tilmaamay inay tahay mid xaqiiqo ah oo ku saabsan mashruucan.


Gudoomiyaha xisbiga Waddajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlay barnaamijkan waxa uu u dhignaa sidan:-


Waa wax laga naxo in madaxweynihii dalka uu kari waayo in uu ka run sheego mashruuca Baxnaano ee uu shalay daah furay. Mashruuca oo sanado soo socday waxaa deeqdiisa leh Baanka Aduunka, fulintiisana haydaha WFP iyo UNICEF, maamulkiisa kore ayaa lagu maamusay dawlada Soomaaliya, waxaana loogu tala galay in lagu gacan qabto dadka ay abaaraha, fatahaadaha webiyada iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga cayrteeyeen oo ay dalagii iyo xoolahii noolaa ka baabi’iyeen ka dibna xeryaha qaxootiyada galay, si ay noloshoodii dib ugu laabtaan oo saboolnimada looga saaro.


Sow ma haboonayn intii uu Madaxweynuhu oran lahaa waa markii ugu horaysay oo ay dawladu dadkeeda deeq gaarsiiso in uu mashruuca runta ka sheego, una mahadceliyo cidii deeqda bixisay, kuwa fulinta u xilsaaran, ka dibna xuso kaalinta ay dawlada mashruuca haatan ku leedahay, isagoo khajilayana raaciyo kaalinta haboonayd in ay ku yeelato intii uu sheegan lahaa deeq ajnabi ka timid, welina u ekeysiin lahaa in dawladu ugu tala gashay ka hortaga Karoona Fayris.


Waxa ugu muhiimsan ee hoggaan siyaasadeed laga rabo, kumana sii jiro hogaamiye dal burbur ka soo kabanaya, waa in uu dadkiisa runta u sheego, una daacadnimo waramo, sababtoo ah waa ficilada dhisa kalsoonida uu shacabku dawladiisa ku qabo, waxayna kobcisaa aaminaada uu muwaadinku hogaankiisa u hayo .

     
Loading...