ayaa habeenkii xalay si rasmiya looga daah-furay hoolka jamacada Golis Faraceeda magalada Burco,taasi oo ay soo qabanqaabisay islamarkaana ay maalgalinayso Rugta Ganacsiga Gobolka Togdheer.
Tobabarkan oo ay kasoo qayb galeen,mulkiilayasha ganacsiga yaryar iyo shaqalaha goobaha ganacsi ee waawayn ee gobolka Togdheer,taasi oo dulucdeedu tobabarkani yahay sidii loo kor lagu qaado ganacsiga iyo hanaanka loo hormariyo Ganacsiga.
Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Togdheer Ganacsade Mustafe Sheekh Maxamud Cumar ayaa, intii aanay la bilaabin cashiirada ku saabsan ganacsiga ayaa kalmada uu ka jeedayay madasha ayaa ka xogwaramay,dulucda tobabarkani ku saabsan iyo ka rug ganacsi ahaan u dorbideen in wakhtigan ay tobabar ku saabsan ganacsiga u qabtaan.
Gudoomiye Mustafe Sheekh ayaa sheegay in Tobabarkani yahay mid muhiim u ah Bulshada iyo ganacsatadaba,waxana uu sheegay in Rugta ganacsigu Gobolka Togdheer ku hawlan tahay hormarka ganacsiga iyo sidii loo heli lahaa ganacsato leh khibrad iyo aqoon ganacsi oo dhinac walba ka dhamaystiran.
Macalin khaddar oo ka mida macalimiinta jamacada Gollis faraceeda magalaa Burco,ahna khabiirka bixinaya tobabarkani ayaa sheegay in muhiim iyo qiimo wayn u tahay ganacsaada iiyo dhalinyaradda ka faa,idaysanayaa tobabarkan , mid naf ahaan iyo ganacsi ahaanba u anfacayaa,
Macalin Khadar ayaa sheegay in ka Jamacad ahaan ay bixindoonana casharo ku saabsan ganacsiga oo anfaca higsigooda dhaw,kooda dhexe iyo kooda Fog islamarkaana ay ku hormarindonaan Ganacsigooda ama Nafahooda.
Tobabarkan ay soo qabanqaabisay, islamarkaana ay Maalgalinayaan Rogta Ganacsiga Gobolka Togdheer ayaa Socondona Muddu Sideed Cisho Ah(8 Cisho) Taasi oo ay fulinsyo Jamacada Golis Faraceeda Magalada Burco.
Hadhwanaagnews
Burco/Office.