hadhwanaagnews
Masuul ka hadlay magaca shirkadda Somtel ayaa sheegay in barnaamijka cusub ee lagu soo kordhiyay Radio Hargeysa uu gacan weyn ka geysan doono tayeynta adeegyada warbaahineed iyo sidii bulshada loogu fududeyn lahaa helitaanka warar iyo xog sugan.
Masuulka ayaa xusay in Somtel ay ku faraxsan tahay inay qeyb ka noqoto dadaallada lagu horumarinayo adeegyada idaacadda, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo gudbiyo warar casri ah oo lagu kalsoonaan karo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in shirkaddu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso horumarinta adeegyada isgaarsiinta iyo warbaahinta dalka, si loo xoojiyo adeegyada bulshada loo hayo.
Masuulka Somtel ayaa ugu dambeyn sheegay inay sharaf u arkaan inay qeyb ka noqdaan mashaariicda lagu kobcinayo adeegyada Radio Hargeysa iyo warbaahinta qaranka.