Ilaahay Ha U Fududeeyo Qalbi Kasta Oo Daalay

Thursday October 15, 2026 - 16:19:39
hadhwanaagnews
Xusuusnow, ma aha inaad maanta xalliso dhammaan dhibaatooyinkaaga.



Noloshu way adkaataa marka fikirku ku dareensiiyo inaad gaadhay da’ aanad weli gaadhin, marka maskaxdu habeen iyo maalin mashquusho, qalbiguna qaado culays ka badan inta uu awoodi karo.

 

Qofka dibadda kaa eegayaa wuxuu arki karaa inaad tahay qof caadi ah oo dhoolla-caddaynaya, la sheekaysanaya dadka, nolol maalmeedkiisana wata. Balse gudahaaga waxaa laga yaabaa inuu ka socdo halgan aan cidina ogayn, fikirro badan oo aanad cidna la wadaagin iyo culays aad kaligaa la tacaalayso.

 

Mararka qaarkood, waxa aad u baahan tahay ma aha inaad xoog iska dhigto mar kasta, balse waa inaad naftaada u naxariisato, nasasho siiso maskaxdaada, Alle talo saarato, isla markaana aad la hadasho qof aad ku kalsoon tahay marka culaysku bato.

 

Xusuusnow, ma aha inaad maanta xalliso dhammaan dhibaatooyinkaaga. Tallaabo yar oo aad maanta qaaddaa waxay noqon kartaa bilowga fudaydka aad berri rajaynayso. Dhibaatadu ma qeexayso qofka aad tahay, mana aha inay kaa qaaddo rajada mustaqbal wanaagsan.

 

Alle SWT wuxuu Qur’aanka Kariimka ah ku yidhi:

 

﴿سَيَجْعَلُ اللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا﴾

 

Macnaha: "Alle wuxuu dhibka kaddib yeeli doonaa fudayd.” (Suuratut-Talaaq, aayadda 7aad).

 

Allow, u fududee qalbi kasta oo daalay, u deji maskax kasta oo fikirku ku batay, una fur albaabada khayrka qof kasta oo dhibaato la tacaalaya. Allow, murugada farxad ugu beddel, welwelkana degganaansho, dhib kasta oo jirana ka yeel mid ay ka dambayso fudayd iyo rajo.

 

Ha quusan. Alle naxariistiisa rajayso, naftaadana u naxariiso. Dhib kasta kaddib, fudayd baa iman kara, Insha Allah.

 

Aamiin, yaa Rabbal-caalamiin.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...