Wax Kasta Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ka Ogaato Safarka Madaxweyne Cirro Ee Maraykanka

Tuesday September 08, 2026 - 19:20:20
xogbaahin.com
Casuumaad Mise Safar Iskiis Ah?



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa gaadhay magaalada Washington D.C., caasimadda dalka Maraykanka, halkaas oo uu ku marayo safarkiisii ugu horreeyey ee uu ku tago dal reer Galbeed ah tan iyo markii uu xilka qabtay.

 

Sida xogta uu qoruhu soo bandhigay, Madaxweyne Cirro wuxuu noqonayaa madaxweynihii shanaad ee Somaliland ee isaga oo xil haya booqda Maraykanka, kaddib Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal oo booqday 1999, Daahir Rayaale Kaahin oo booqday 2008, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo booqday 2013 iyo Muuse Biixi Cabdi oo booqday 2021.

 

Qoraagu wuxuu sheegay in safarka Cirro uu kaga duwan yahay booqashooyinkii madaxdaasi hore ay ku tageen Maraykanka, maadaama uu helay casuumaad rasmi ah, isla markaana uu safarku ku soo beegmayo xilli, sida qoraagu xusay, Somaliland ay maanta leedahay meeqaam ka duwan sidii hore, halka siyaasadda Maraykanka ee Geeska Afrikana ay marayso isbeddello.

 

Weftiga Madaxweyne Cirro

 

Socdaalka Madaxweyne Cirro waxaa ku wehelinaya masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Gaashaandhigga, Duulista iyo Horumarinta Madaarrada iyo Madaxtooyada, iyadoo sidoo kale safarka qayb ka ah xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha iyo Marwada Madaxweynaha.

 

Sida xogta lagu sheegay, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa iyaguna markii dambe ku biiraya weftiga Madaxweynaha ee Maraykanka.

 

Qoraagu waxa uu dhaliil ka muujiyey in weftiga safarkan aanu ku jirin haween marka laga reebo Marwada Madaxweynaha, isaga oo sheegay inaan la caddeyn sababta haweenka kale looga reebay weftiga.

 

Safarka ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo laba toddobaad ah, hase yeeshee xogta qoraagu helay waxay tilmaamaysaa in maqnaanshaha Madaxweynaha ee dalka uu intaas ka badan noqon karo.

 

Casuumaad Mise Safar Iskiis Ah?

 

Xogta lagu soo bandhigay warbixintan ayaa sheegaysa in Madaxweyne Cirro iyo weftigiisu ay Maraykanka ku tageen casuumaad rasmi ah oo uga timid dhinaca Maraykanka.

 

Qoraagu wuxuu sheegay in arrintan ay door ku lahaayeen Heritage Foundation iyo AIPAC, oo ah laba hay’adood oo saamayn ku leh siyaasadda gudaha Maraykanka. Ujeeddada ugu weyn ee safarka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu si toos ah ula kulmo masuuliyiin Maraykan ah, isla markaana uu kala hadlo arrimaha Somaliland iyo danaha ay doonayso inay ka gaadho xidhiidhka Washington.

 

Cidda Madaxweyne Cirro La Kulmayo

 

Sida xogta warbixintu xustay, Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan xubno ka tirsan labada gole ee Congress-ka Maraykanka, gaar ahaan madaxda guddiyada khuseeya arrimaha dibadda, gaashaandhigga iyo dhaqaalaha.

 

Kulamadaas ayaa la sheegay in diiradda lagu saari doono sidii Somaliland looga taageeri lahaa hindiseyaasha iyo siyaasadaha lagu xoojinayo xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin ka tirsan hay’adaha fulinta ee Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada Gaashaandhigga, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda.

 

Saddexda qodob ee muhiimka ah ee kulamadaas lagu soo qaaday ayaa lagu sheegay fursadaha amni ee Somaliland, iskaashiga amni ee labada dhinac, arrinta saldhigga Berbera iyo tababarro loo fidiyo ciidamada Somaliland.

 

Kulamada Ganacsatada Iyo Maalgashadayaasha

 

Qayb kale oo muhiim ah oo safarka Madaxweyne Cirro ah ayaa ah kulamada lala yeelanayo ganacsatada iyo maalgashadayaasha Maraykanka.

 

Warbixintu waxay si gaar ah u xustay Eric Trump, oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isla markaana qayb ka ah ganacsiga qoyska Trump. Qoraagu wuxuu sheegay in Madaxweyne Cirro iyo Eric Trump ay hore ugu kulmeen Davos, isla markaana kulankan cusub uu noqon karo mid muhiim u ah dhinaca fursadaha ganacsi iyo maalgashi.

 

Ganacsatada Maraykanka ayaa la filayaa in Madaxweyne Cirro uu kala hadlo fursadaha maalgashi ee Somaliland, gaar ahaan dhinaca macdanta. Waxaa sidoo kale la sheegay in laga wada hadli doono fursadaha iyo qandaraasyada la xidhiidha macdanta sida dahabka, copper-ka iyo lithium-ka.

 

Sida warbixintu xustay, Somaliland waxay doonaysaa inay khayraadkeeda iyo fursadaha maalgashi ku beddesho iskaashi ballaadhan oo ay la yeelato Maraykanka.

 

Israa’iil Ma Door Ayay Ku Leedahay Safarka?

 

Warbixintu waxay sheegaysaa in Israa’iil ay door ku leedahay socdaalka Madaxweyne Cirro ee Maraykanka, gaar ahaan dhinaca xidhiidhka iyo isku-xidhka labada dhinac.

 

Qoraagu wuxuu sheegay in door kaas aanu ku koobnayn dawladda Israa’iil oo keliya, balse ay sidoo kale ku lug leeyihiin ururro xidhiidh dhow la leh Israa’iil oo saamayn ku leh gudaha Maraykanka.

 

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in qorshaha safarka uu ku jiri karo kulamo kale oo Madaxweyne Cirro lala yeesho masuuliyiin iyo dhinacyo uu qoraagu sheegay inay danaynayaan aqoonsiga Somaliland, iyadoo la filayo in kulamadaasi diiradda saaraan xidhiidhka iyo heshiisyo suurtagal ah.

 

Xigasho: Jaamac Shube

     
Loading...