Michael Rubin Oo Dhaliilay Tirada Iyo Qaab-dhismeedka Weftiga Somaliland Ee Washington

Saturday September 05, 2026 - 18:26:41
hadhwanaagnews
Rubin ayaa sidoo kale tilmaamay in booqashada Washington ...



Michael Rubin, oo ah Agaasimaha Falanqaynta Siyaasadda ee Middle East Forum, isla markaana khabiir sare ka tirsan American Enterprise Institute, ayaa dhaliil ka muujiyey tirada iyo qaab-dhismeedka farsamo ee weftiga Somaliland ee ku sugan magaalada Washington D.C. ee Maraykanka.

 

Rubin ayaa soo jeediyey in weftiga Somaliland loo koobo qiyaastii shan xubnood oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo khubaro ku takhasusay dhinacyada sirdoonka iyo difaaca.

 

Waxa uu sheegay in kulamada heerka sare ee Washington aanay inta badan wada geli karin dhammaan xubnaha weftiyada, sidaas darteedna tirada badan ee masuuliyiintu aanay farsamo ahaan wax weyn ku kordhinayn wadaxaajoodka iyo kulamada muhiimka ah.

 

Rubin ayaa sidoo kale tilmaamay in booqashada Washington loo baahan yahay in si gaar ah diiradda loogu saaro ajandaha, fariinta iyo masuuliyiinta ku habboon gudashada ujeeddooyinka safarka.

 

Khabiirkan ayaa sheegay in mudnaanta la siiyo arrimaha amniga gobolka, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo aqoonsiga Somaliland, isaga oo ka digay in wefti aad u ballaadhan uu kala daadin karo fariinta iyo ujeeddada Somaliland ay Washington u tagtay.

 

Xubnaha weftiga Somaliland ee Washington ayaa tiradooda lagu sheegay inay ku dhowdahay 20 qof, taas oo keentay in Rubin uu su’aal geliyo qaab-dhismeedka iyo tirada xubnaha ku habboon safar noocan ah.

 

Michael Rubin ayaa ah khabiir ku takhasusay siyaasadda Bariga Dhexe iyo amniga caalamiga ah, waxaana uu hore uga soo shaqeeyey Wasaaradda Difaaca Maraykanka (Pentagon).

     
Loading...