hadhwanaagnews
Berbera (Hadhwanaagnews.com): Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland, Abokor Cawil Cumar, ayaa kulan amni la yeeshay waaxyaha kala duwan ee ka hawlgala Dekedda Berbera.
Kulanka oo ay ka qayb-galeen Booliska, Ilaalada Xeebaha, DP World iyo Kastamka Berbera ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo wada-shaqaynta hay’adaha ka hawlgala dekedda.
Masuuliyiintu waxay si gaar ah u adkeeyeen in dhammaan dadka soo galaya Dekedda Berbera ay wataan kaadhka aqoonsiga ee gelitaanka dekedda, si loo xaqiijiyo cidda gudaha u gelaysa xarunta.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam adag oo aqoonsi iyo amni ah, si loo ilaaliyo badqabka, kala dambaynta iyo habsami-u-socodka hawlaha Dekedda Berbera.