hadhwanaagnews
1. Caadada hirgelin la'aanta ( no implementation habits)
Barashada maaddadu ( subject) waa hal arrin , laakiin haddii aannad ku dhaqmayn ama hirgalineyn, maxaad marka hore u baratay ? Haddii aannad wixii aad baratay ku dabaqin aqoontaada, ma lahaaneysid sabab kugu dhiirigelisa mastaqbalka inaad barato , waxayna u badan tahay gabi ahaanba ka fogaato Waxbarashada.
2. Adeegsiga joogtada ah ee qalabka elektarooniga.
Waa caadi inaad adeegsato moobeylka ama kombituutarka, marka aad wax ka raadineyso ama ka baadhayso. Laakiin haddii caado ka dhigato in aad eegto , waxay isku baddali kartaa qabatin; taasi oo ku mashquulineysa kaana hor-istaagaysa inaad diiradda saarto waxa aad baraneyso.
3. Caadada hurdo xumada.
Inta aad hurudo , maskaxdaadu waxay xogta muddada gaaban u wareejisaa xogta muddada dheer . Sidaa daraadeed hurdadu waa lama huraan . Ha dayicin hurdada , gaar ahaan haddii aad rabto in aad waxbarato.
4. Caadooyinka caafimaad xumada.
Maskax caafimaadqabta ayaa loo baahan yahay, si aad awood ugu yeelato barashada. Haddii jidhkaaga si xun ula dhaqanto; sida in aannad jimicsan, cunista cuntooyin badan oo dufan leh iyo adeegsiga maandooriyaha; waxaad ka dhaxli doontaa cawaaqibka ka dhasha.
Maskaxdaadu waxay isticmaashaa qiyaastii 20% tamarta iyo khayraadka jidhkaagu helo. Sidaa daraadeed, hubi waxaad jidhkaaga quudineyso inay yihiin wax caafimaad leh; haddii kale halka ugu horreysa ee dhibaatadu saamayn doonto waxay noqoni: maskaxda!
5. Isla weyni
Haddii aadan garanayn meelaha aad ku liidato, weligaa iskuma dayi doontid inaad meelahaas hagaajiso. Isla-weyni/kibir, iyo inaad naftaada si xad-dhaaf ah ugu kalsoonaato waxay kaa indho-tiraan meelaha aad u baahan tahay inaad horumariso.
6. Marka ayna jirin waqti dhab ah oo nasasho
Haddii aad maalintii oo dhan shaqaynayso, waxaad u baahan tahay maskaxdaadu inay nasato. Adiga oo yara naso leh, laakiin daawanaya muuqbaahiye(TV) ama filin taxane ah oo xiiso leh, taasi noqon mayso nasasho dhab ah, sababta oo ah weli way shaqaynaysaa maskaxdaadu.
Waa inaad samaysaa wax aan u baahnayn awood maskaxeed ama waa inaad waxoogaa wax walba faraha ka qaaddaa, oo aannad waqtigaa waxba qaban; maskaxdaadu way nasaneysaa.
Marka jidh ahaan daasho, ma sii socon kartid; waa sidaas oo kale maskaxdaaduna, waa inaad u ogolaataa inay nasato.
7. Degaan la caadaysto ( habituated environment)
Haddii aad wax ku barato isla meesha aad ku ciyaarto ciyaaraha ( play games) ama ku daawato muuqbaahiyaha , waxa kugu adkaaneysa diiradda saarto, sababtuna waxaa kuu dhow waxyaallaha ku mashquuliya.
Haddaba, taas badalkeeda tag meel dadku waxbaranayaan ama shaqaynayaan. Isbaddalka jawigu si wayn ayaa uu kuu caawin karaa; si fiican in aad wax u barato, oo foojignaantaaduna sarreyso.
8. Ka cabsashada guuldarrada .
Guuldarradu waa mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee aad casharka si dhab ah u fahmi karto oo aad uga baran karto inaadan khaladkaas mar kale ku celin.
Haddii aad ka baqato guuldarrada, waxay kugu keenaysaa in aad iska dayso inaad waxbarato, sababta oo ah waxaad ka baqaysaa inaad samayso khalad.
Waa iska caadi inaad khalad samayso ama guuldarro ku dhacdo marka hore, balse ha joogsan . Waa inaad si buuxda ugu deddaashaa waxbarashadaada. Naftaada maalgasho , xitaa haddii taasi ka dhigan tahay; inaad marar kale khalad samayso ama guuldarreysato!
9. In aannad lahayn caadooyin waxbarasho oo gaar ah ( not specific learning habits)
Dad badan waxay joojiyaan inay wax cusub bartaan marka ay dugsiga ka baxaan, dabadeedna waxay la yaabaan sababta noloshoodu u horumari laadahay.
Haddii aannad waxbarashadaada u qoondayn waqti gaar ah, waxaad Waxbarashadaada ka dhigi doontaa mid nasiib ku xidhan; maalin waad dayacaysaa maalina waad baraneysaa; waa iska khamaar uun! Haddaba, waa inaad ammin gaar ah u samaysaa, si aad aqoon u korodhsato; xitaa haddii dugsi ama jaamacad dhammaysay. Ha isdhigan waligaa!
W/Q: Maxamed Haybe Axmed
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!