hadhwanaagnews G
o’aanka gobolka Awdal loo qoondeeyey 25% ee dhinaca Hay’adda Shaqaalaha Somaliland wuxuu mudan yahay in si dhab ah loo falanqeeyo. Arrintu ma aha oo keliya boqolkiiba la siiyey hal gobol, balse waxay taabanaysaa su’aal ka weyn: Sidee ayay fursadaha shaqo iyo saamiga gobollada loogu qaybinayaa si caddaalad ah?
Aniga ahaan, laba arrimood ayaan si gaar ah uga walaacsanahay.
Tan koowaad waa in tartankii iyo mabda’ii kartidu meesha ka baxayaan. Haddii fursadaha shaqo horay loogu kala qoondeeyo gobollo, waxaa meesha ka baxaya qayb ka mid ah tartankii ku dhisnaa aqoonta, khibradda iyo kartida qofka. Shaqo qaran waa inay qofka ugu qalma u furnaataa, iyadoo aan qofka lagu qiimayn meesha uu ka soo jeedo oo keliya.
Tan labaadna waa caddaaladda habka gobollada loo qaybiyey. Haddii la leeyahay gobollada waa in loo sameeyaa saami, waa in la keenaa halbeeg cad oo qof walba fahmi karo. Maxaa lagu saleeyey 25%-ka Awdal? Maxaa gobollada kale loogu qoondeeyey saamiyadooda? Ma tirada dadka ayaa lagu saleeyey, baahida shaqo, heerka waxbarashada, shaqo la’aanta, mise arrimo siyaasadeed?
Haddii aan su’aalahan jawaab cad loo hayn, waxaa si dabiici ah u dhalanaya shaki ah in saamiga gobollada aan lagu salayn hannaan isku mid ah oo caddaalad ah.
Waxaan qabaa in Awdal xaq u leeyahay fursad iyo matalaad caddaalad ah, sida gobol kasta oo kale. Laakiin caddaaladdu ma noqon karto in hal meel loo sameeyo nidaam gaar ah oo aan si cad loogu sharxin sababtiisa. Sidoo kale, ma aha caddaalad in qof karti leh fursad looga hor istaago kaliya gobolkiisa awgiis.
Sidaa darteed, dooddu ma aha "Awdal 25% ha la siiyo ama yaan la siin.” Dooddu waa: maxaa lagu saleeyey 25%-ka, maxaase lagu saleeyey saamiyada gobollada kale?
Haddii nidaamku caddaalad yahay, ha la shaaciyo halbeeggiisa. Haddii uu yahay nidaam ku dhisan tartan, ha la dhowro tartanka. Haddii uu yahay nidaam ku dhisan qoondo goboleed, ha la caddeeyo sababta iyo xisaabta ka dambaysa.
Caddaaladdu ma aha in qof ama gobol la raalli geliyo; caddaaladdu waa in la sameeyo nidaam qof walba ku qanci karo, xitaa marka aanu helin saamigii uu rabay.
W/Q Ciid Xaashi
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!