hadhwanaagnews

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yoonis Axmed Yoonis, ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku tegay dalka Israa’iil ay muujinayso heerka ay gaadheen dedaallada diblomaasiyadeed ee Somaliland iyo doorka sii kordhaya ee ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.
Wasiirka ayaa xusay in maanta qaddiyadda Somaliland ay si weyn uga dhex muuqato goobaha siyaasadda iyo diblomaasiyadda dunida, taas oo uu ku tilmaamay mid ka dhalatay dadaal dheer oo ay hormuud ka ahaayeen madaxda Somaliland iyo adkaysiga shacabka Somaliland.
Dedaal 35 Sano Soo Socday
Mudane Yoonis Axmed Yoonis ayaa sheegay in horumarka diblomaasiyadeed ee maanta la arkayaa uu yahay mid ka dhashay geeddi-socod muddo ka badan 35 sano socday, kaas oo lagu dhisay hay’adaha qaranka, nabadda, dimuqraadiyadda iyo dawladnimada Somaliland.
Waxa uu tilmaamay in shacabka Somaliland ay muujiyeen samir iyo adkaysi weyn oo horseeday in maanta dunidu si weyn u danayso arrimaha Somaliland.
Sumcadda Somaliland oo Sii Kordhaysa
Wasiirka Caddaaladdu waxa uu sheegay in sumcadda iyo muuqaalka Somaliland ee caalamku ay si joogto ah u sii kordhayaan, isaga oo xusay in calanka Somaliland maanta ka dhex muuqdo munaasibado iyo fagaarayaal caalami ah.
Waxa uu sheegay in guulahaasi ay ka yimaaddeen shaqo, dedaal iyo qorshe diblomaasiyadeed oo muddo dheer socday.
Somaliland oo Adkaynaysa Difaaceeda
Dhanka kale, wasiirku waxa uu si adag uga hadlay hadallo ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Soomaaliya, isaga oo sheegay in hanjabaad kasta oo lagu beegsanayo Somaliland aanay noqon doonin mid hirgasha.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Somaliland leedahay awood ay ku difaacdo madax-bannaanideeda, amniga dhulkeeda iyo danaha qarankeeda.
Diyaar U Ah Difaaca Qaranka
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Somaliland ayaa ugu dambayn sheegay in Somaliland ay si buuxda uga hortagi doonto tallaabo kasta oo wax u dhimaysa jiritaankeeda iyo danaheeda qaran.
Waxa uu xusay in shacabka Somaliland iyo hay’adaha dowladda ay mar walba diyaar u yihiin ilaalinta qarannimada, nabadda iyo madax-bannaanida dalka.