hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir, ayaa sheegay in Ciidanka Boolisku wadaan qorshe lagu casriyeynayo habka ay u maamulaan shaqo-maalmeedkooda, iyadoo laga guurayo nidaamkii hore ee ku dhisnaa qalinka loona wareegayo nidaam dhijitaal ah.
Sarreeye Guuto Cabdi Axmed Tiir ayaa sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha ciidanka, gaar ahaan barashada adeegsiga kombiyuutarrada iyo tiknoolajiyadda casriga ah.
Waxa uu tilmaamay in ciidamada dalalka caalamku si weyn ugu tiirsan yihiin tiknoolajiyadda iyo nidaamyada dhijitaalka ah, isaga oo sheegay in Somaliland ay qaadayso tallaabooyin lagu gaadhayo heerkaas, isla markaana ciidamada loo diyaarinayo aqoon iyo xirfado ay shaqadooda ugu maareeyaan hab casri ah.
Waxa uu yidhi:
"Runtii marka aynu nahay Ciidanka Booliska, waxa aynu ka guuraynaa qaabkii aynu u shaqayn jirnay ee qalinka, waxa aynu u guuraynaa tignoolajiyadda, waxa aynu la jaanqaadaynaa caalamka. Dhammaan ciidamada caalamku waxa ay ku shaqeeyaan tignoolajiyadda.”
Taliye Ku-xigeenka Booliska ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu furayey tababar loogu talagalay qayb ka mid ah ciidamada Booliska Somaliland, kaas oo lagu baranayo adeegsiga kombiyuutarrada iyo xirfadaha aasaasiga ah ee shaqada dhijitaalka ah.
Qorshahan ayaa haddii si buuxda loo hirgeliyo fududayn kara kaydinta xogta, maaraynta hawlaha iyo isku-xidhka shaqooyinka kala duwan ee Ciidanka Booliska.