hadhwanaagnews
Maayirka Magaalada Burco, Mudane Mustafe Maxamed "Calas", ayaa shaaciyey in magaalada Burco ay martigelin doonto Shirka Qurbo-joogta Somaliland, kaas oo la qorsheeyey inuu qabsoomo 6-da bisha Agoosto.
Maayirku waxa uu ugu baaqay dhammaan qurbo-joogta reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolka Togdheer, inay si mug leh uga soo qayb galaan shirka, isaga oo sheegay in uu yahay madal muhiim u ah xoojinta iskaashiga iyo kordhinta kaalinta qurbo-joogtu ku leedahay horumarinta dalka.
Waxa uu xusay in shirkan oo sannad kasta ay soo qabanqaabiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sannadkan lagu qaban doono magaalada Burco, taas oo martigelin doonta ka qaybgalayaal ka imanaya dalal kala duwan.
Maamulka Magaalada Burco ayaa ku boorriyey qurbo-joogta Somaliland inay ka faa’iidaystaan fursaddan, isla markaana ay si firfircoon uga qayb qaataan doodaha, talooyinka iyo qorshayaasha lagu xoojinayo doorka qurbo-joogta ee horumarinta dhaqaalaha, bulshada iyo maalgashiga Somaliland.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in shirkan la filayo inuu gacan ka geysto adkaynta xidhiidhka u dhexeeya qurbo-joogta iyo hay’adaha dowladda, isla markaana uu abuuro iskaashi cusub oo lagu taageerayo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.