Wasaaradda Kalluumaysiga Oo Daahfurtay Qaybinta Kaadhadhka Aqoonsiga Kalluumaysatada

Monday July 27, 2026 - 13:46:25
hadhwanaagnews
Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa yidhi: "Qaybinta kaadhka



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye, ayaa maanta xarunta wasaaradda ka daah-furay barnaamijka qaybinta kaadhadhka aqoonsiga kalluumaysatada, kaas oo loogu talagalay diiwaangelinta iyo aqoonsiga kalluumaysatada dalka.

 

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in hirgelinta barnaamijkani ay door muhiim ah ka qaadan doonto sugidda amniga badda, hirgelinta shuruucda kalluumaysiga iyo hagaajinta nidaamka lagu maamulayo kalluumaysatada ka hawlgasha xeebaha Somaliland.

 

Mudane Liibaan Maxamuud Diiriye ayaa yidhi: "Qaybinta kaadhka kalluumaysatadu waxay faa’iido u tahay amniga iyo sharciga kalluumaysiga.”

 

Waxa uu sidoo kale faahfaahin ka bixiyey habka diiwaangelinta iyo bixinta kaadhadhka aqoonsiga, isagoo sheegay in tallaabadani ay sahlayso in la helo xog sax ah oo ku saabsan kalluumaysatada, isla markaana ay kor u qaadi doonto ilaalinta xuquuqdooda iyo habsami u socodka hawlaha kalluumaysiga.

 

Agaasimaha Guud ayaa xusay in kaadhadhka aqoonsigu ay wax weyn ka tari doonaan kor u qaadista amniga badda Somaliland, xoojinta maamulka khayraadka badda iyo hirgelinta shuruucda kalluumaysiga, taas oo qayb ka noqonaysa dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo waaxda kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda si waara.

     
Loading...