hadhwanaagnews

Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u qabatay shaqaalaheeda tababar lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha maareynta iyo xalinta khilaafaadka, iyadoo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kartida shaqaalaha iyo tayeynta adeegyada ay bulshada u hayso.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray fahamka sababaha iyo noocyada kala duwan ee khilaafaadka, iyo hababka ugu habboon ee loogu xallin karo wada-hadal, is-faham iyo iskaashi, si loo abuuro jawi shaqo oo ku dhisan wadajir, ixtiraam iyo is-aaminaad.
Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa sheegay in tababarkani qayb ka yahay qorsheyaasha lagu kobcinayo awoodda shaqaalaha, si ay u yeeshaan xirfado casri ah oo kor u qaada waxqabadka hay’adda iyo tayada adeegyada loo fidiyo bulshada.
Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bani’aadannimada ayaa ugu dambayn xaqiijisay inay sii wadi doonto qabashada tababarro iyo barnaamijyo lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha, si loo xoojiyo hufnaanta shaqada iyo adeegyada bulshada.




