hadhwanaagnews

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee
Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ka qayb galay
Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Latin America (Latin America Chairman's
Conference), oo lagu qabtay magaalada Buenos Aires ee caasimadda dalka
Argentina.
Shirka oo socday intii u dhexaysay 28 illaa 30 Juun 2026
ayaa waxaa isugu yimid masuuliyiin sare, xildhibaanno, diblomaasiyiin iyo
wakiillo ka socday hay'ado caalami ah, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta
iskaashiga, wada-hadallada gobollada kala duwan, iyo horumarinta xidhiidhka
caalamiga ah.
Ka qaybgalka Somaliland ee madashan ayaa muujinaya dedaallada
sii kordhaya ee ay ku ballaadhinayso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed iyo sidii
ay u dhisi lahayd iskaashi caalami ah oo ku salaysan is-ixtiraam, nabad,
xasillooni iyo horumar wadajir ah.
Safarka Wasiirka ee Argentina ayaa imanaya xilli Somaliland
ay sii xoojinayso joogitaankeeda madalaha caalamiga ah, iyadoo dadaal ugu jirta
kobcinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka Latin America iyo qaybaha kale ee
dunida.