hadhwanaagnews

Wasiirka Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka Somaliland, Xasan Axmed Ducaale, ayaa sheegay in dhaqaalaha Somaliland uu laf-dhabar u yahay xoolaha nool, isagoo carrabka ku adkeeyey in horumarinta miyigu ay saldhig u tahay koboca dhaqaalaha qaranka.
Wasiirku wuxuu sheegay in socdaalka qoysaska ee miyiga uga hayaamaya magaalooyinka uu saamayn ku yeelan karo wax-soo-saarka xoolaha iyo ilaha dhaqaalaha dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay qorshe qaran oo dhiirrigeliya in bulshada reer miyigu ku sii noolaato deegaannadeeda.
Waxa uu xusay in dowladda ay muhiimad gaar ah siinayso gaadhsiinta adeegyada aasaasiga ah ee miyiga, kuwaas oo ay ka mid yihiin biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo kaabeyaasha kale ee bulshada, si dadka loogu abuuro nolol iyo adeegyo ku filan iyaga oo aan u baahnayn inay u hayaamaan magaalooyinka.
Wasiir Xasan Axmed Ducaale ayaa sheegay in maalgelinta miyigu ay tahay tallaabo muhiim u ah ilaalinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta wax-soo-saarka xoolaha, isaga oo ku baaqay in la sii dardargeliyo siyaasadaha lagu horumarinayo nolosha reer miyiga.
Waxa uu yidhi:
"Dhaqaalaheenna ugu weyn waxa uu ka soo galaa xoolaha nool. Mar kasta oo qoys ka soo guuro miyiga, dhaqaalaheennii hoos buu u dhacayaa. Danta, caqliga iyo siyaasaduba waxay inagu waajibinayaan in dadka lagu hayo miyiga, isla markaana adeeg kasta oo ay u baahan yihiin loogu geeyo halka ay ku nool yihiin.”