hadhwanaagnews
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim,
[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhiristayaasha.
1-Doqonkii Gurguurte,
Taramo Dadka U Neceb,
Tahniyado U Dirayayoy,
Dunidiina La Yaabeene,
Dadkiisii Maxay Odhan,
Ma Caybu Dalbanayaa?.
2-Dantu Seeto Weeyee,
Mise Waa I Daayuunba,
Bal Inaanu Uga Darin,
Isma Difaaci Karayee.
3-Danleey Baahanon,
Damqahayn Xumato
Diidaynin Ceebtoon,
Dulinimada Qayibay.
4-Dulmigaad La Noolato,
Dulqaad Baad Ka Barata,
Dalasi Waa Dilaa Cudur,
Dawadiisa Lama Helayo.
5-Daayinkena Magansada,
Allaheenaa Deeqda Bixiye,
Dunidana Gabaabsiyahe,
Dadaalo Samahuun Fala.
6-Daanada Gaadha Duulka,
Dadkii Doortayba Qabaya,
Dani Ha Ugu Horeeyaba"Ee,
Denbiguu Badh Leeyahay.
7-Isaga Daarta Saarayo,
Dumadiisa Weeyaanuun,
Inkastu Durbaba Helayo,
Duulaan Ku Soo Baxayba.
8-Daacadan Hongoobine,
Digtoonida Hogankeenu,
Duulaankoodi,Dibu Baajo,
Ka Badbaadnay Beentoda.
9-Baaloxooftadii Dhimatay,
Buur Markaan Ku Tiirsaday,
Badheedhkii Hogaankeena,
Hadafkeena Meel Mariyay.
Ismail Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!