hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in sannadka 2026 uu noqday kii ay ardaydii ugu badnayd u fadhiistaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe tan iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda.
Madaxweynuhu ayaa hadalkan sheegay xilli uu si rasmi ah u daah-furayey imtixaanaadka shahaadiga ah ee dalka, isaga oo tilmaamay in korodhka tirada ardaydu uu ka tarjumayo horumarka laga sameeyey dhinaca waxbarashada.
Tiradii Ugu Badnayd ee Arday Ah
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in sannadkan uu yahay rikoodh cusub oo dhinaca waxbarashada ah, maadaama tiradii ugu badnayd ee arday ah ay u fariisteen imtixaanaadka qaranka.
Waxa uu yidhi:
"Waa tiradii ugu badnayd ee intii Somaliland madaxbannaanayd maanta imtixaanka shahaadiga ah u fadhiisanaysa.”
Horumarka Waxbarashada
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in korodhka tirada ardayda imtixaanka gelaysa uu muujinayo horumarka ay Somaliland ka samaysay waxbarashada iyo dadaalka lagu ballaadhiyey fursadaha waxbarasho ee dalka.
Waxa uu sidoo kale guul iyo nasiib-wanaag u rajeeyey dhammaan ardayda u fadhiisatay imtixaanka, isaga oo ku boorriyey inay ku kalsoonaadaan aqoontii ay soo barteen.