Cadawgeeni Wuxu Galay, Culimada Dar Sheegtiyo, Qaar Carabta Caabuda.

Friday June 26, 2026 - 11:38:19
hadhwanaagnews
Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim,

[A.S.C.W.R.W.B] Tu Khaas Ahna,

Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

1-Cilmi Gaabku Waa Cadaw,

Caqli Nimaan Lahayno,

Cadaawuhu Kiraystiyo,

Caradiisa Xaraashahu,


 

2-Ciqaabu Mutaystaaye,

Qabyaladaa Cisaysaane,

Cidna Dabadayu Gelinin,

Carabka Iyo Dhega Jara.


 

3-Ciyaalnimay Caruuru,

Dabka Ugu Ciyaaraane,

Cago Goortay Geliyan,

Cabaadkoodu Yeedhaa.


 

4-Cabsi Hayna Gelinina,

Cagta Mariya Oo Xidha,

Caada Qaatayaashaas,

Calankooda Iibsanaya.


 

5-Cabdi Umal Colaadiisi,

Cabdimaalik Soo Dhaaf,

Culimo Gadh Waaweyn,

Caruurteeni Soo Gaadh.


 

5-Ciidanka Horjoogtan,

Culayska Nooga Qaado,

Cashar Lama Ilaawaana,

Culimadaas Ha Siiyaanba.


 

6-Cadaalad Ma Hananyo,

Ciidankii Cabsoonaayee,

Dushaas Laga Cadadshe,

Loona Cagojugleeyaah.


 

7-Caruurtiyo Haweenka,

Codka Weriyeyaashaaba,

Culays Baydin Saartaan,


Colba Jira Ka Xoogweyn.

Ismail Handuleh.

     
Loading...