hadhwanaagnews
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in Somaliland ay xidhiidh iyo iskaashi xooggan la leedahay dalal ay ka mid yihiin Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo waddamo kale oo badan.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey telefishanka i24 News English ee dalka Israa’iil, xilli uu ku guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee dalkaasi.
Iskaashi Sii Xoogaysanaya
Madaxweyne Cirro ayaa xusay in qaar ka mid ah dalalka ay Somaliland la leedahay iskaashiga dhow ay hore u bilaabeen mashaariic iyo wada-shaqayn muuqata, halka qaar kalena ay ku jiraan marxalado lagu sii xoojinayo xidhiidhka labada dhinac.
Waxa uu yidhi:
"Maraykanka, Imaaraadka Carabta, Israa’iil iyo dalal kale ayaanu iskaashi xooggan la leenahay, iskaashigaasna dalalka qaarkood way bilaabeen, qaar kalena wuu sii xoogaysanayaa.”
Farriin Ku Socota Dalalka Aan Aqoonsan Somaliland
Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa farriin u diray waddamada aan weli aqoonsan Somaliland, isaga oo ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan fursadda maanta jirta ee xidhiidh iyo iskaashi lala yeesho Somaliland.
Waxa uu sheegay in dalalkaasi ay lumin karaan fursado muhiim ah haddii aanay si degdeg ah uga jawaabin isbeddellada ka socda gobolka iyo kaalinta sii kordhaysa ee Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu yidhi:
"Dalalka kale ee weli diidan aqoonsiga Somaliland waxa aan leeyahay ku soo biira inta aanu waqtigu idinka dhicin intay goori-goor tahay. Waxay lumin doonaan fursadda ay maanta haystaan haddii aanay kusoo biirin.”
Waraysi Gaar Ah oo Laga Baahinayo Israa’iil
Waraysigan oo ahaa mid ballaadhan ayaa lagaga qaaday Madaxweynaha Somaliland gudaha dalka Israa’iil, waxaana la filayaa in telefishanka i24 News English uu si rasmi ah u baahiyo.
Waraysiga ayaa diiradda saaray xidhiidhka Somaliland la leedahay beesha caalamka, dedaallada aqoonsi raadinta, iskaashiga gobolka iyo fursadaha maalgashi iyo horumarineed ee Somaliland.