hadhwanaagnews
Siyaasiga Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dhulkooda iyo meesha ay leeyihiin, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta jiritaanka iyo wadajirka bulshada.
"Anagu Somaliland ayaan leenahay, halkan ayaan leenahay,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.
Hadalka Beyle ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan doodaha siyaasadeed iyo hadallada la xidhiidha mustaqbalka Somaliland iyo xaaladaha siyaasadeed ee gobolka.
Siyaasiga ayaa hadalkiisa ku muujiyay dareen ku saabsan lahaanshaha dalka iyo muhiimadda ay leedahay in bulshada Somaliland ay ilaashato nabadda, wada noolaanshaha iyo xasilloonida.