hadhwanaagnews
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere), ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay sanadkan u dabaaldegayaan maalinta 18 May iyaga oo ka mid ah dalalka caalamka ee la aqoonsan yahay.
Wasiirka ayaa yidhi: "18 May sanadkani waxaynu xusaynaa innaga oo ah dal la aqoonsanyahay oo ka mid ah wadamada dunida.”
Waxa uu intaas ku daray in shacabka Somaliland ay muujiyeen adkaysi, midnimo iyo go’aan adag oo ku aaddan dhismaha qaranimada, taas oo horseeday nabad, xasillooni iyo nidaam dawladnimo oo shaqaynaya.