hadhwanaagnews
Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland, Cabdiqaadir Ismaaciil Jaylaani, ayaa si rasmi ah u furay tartanka Maalgelinta Xirfadaha Dhallinyarada Somaliland ee Degmada Gebiley, qaybtiisa labaad.
Agaasimaha ayaa sheegay in siyaasadda sanduuqa ay tahay in dhallinyarada Somaliland ay fursadaha maalgashi iyo horumar ka helaan degmooyinkooda, si loo taageero fikradahooda ganacsi iyo xirfadahooda.
Cabdiqaadir Jaylaani waxa uu sidoo kale xusay in siyaasaddan ay hormuud u tahay xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), taas oo mudnaan gaar ah siinaysa horumarinta iyo taageerada dhallinyarada.
Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland ayaa diiradda saaraya maalgelinta fikradaha cusub iyo xirfadaha dhallinyarada, si loo abuuro fursado shaqo iyo horumar ay ku gaadhaan mustaqbal wanaagsan.