Maayirka Hargeysa oo Ka Hadlay Afur Wadareed iyo Xalinta Dhibaatada Biyaha

Saturday February 28, 2026 - 15:03:09
HADHWANAAGNEWS
Waxa uu yidhi: "Ma jirto meelo badan oo adduunka ah oo dad kala duruufo...


Maayirka magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa ka hadlay afur wadareed ka dhacay badhtamaha suuqa Hargeysa, isaga oo bulshada ku boorriyay in la xoojiyo dhaqanka afurka wadajirka ah iyo isku duubnida bulshada.


 

Maayirku waxa uu sheegay in dhaqanka afurka wadajirka ahi yahay mid qiimo gaar ah leh, isla markaana muujinaya walaaltinimada bulshada.


Waxa uu yidhi: "Ma jirto meelo badan oo adduunka ah oo dad kala duruufo iyo kala darajo ahi si wadajir ah ugu afuraan, waa wax wanaagsan oo mudan in dhaqan loo yeesho.”


 

Sidoo kale, Maayirku waxa uu carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo qorshe cad oo lagaga hortago abaaraha iyo biyo-yaraanta soo noqnoqda, isaga oo tilmaamay in loo baahan yahay xal waara.


 

Waxa uu yidhi: "Lix bilood abaar ayaynu ka cabannaa, lix biloodna roob iyo daad; waxaynu u baahanahay talo iyo qorshe cad.”


 

Dhanka kale, Maayirka Hargeysa ayaa ugu baaqay bulshada inay taageeraan dadaallada dowladda ee la xidhiidha mashaariicda biyaha, isaga oo xusay muhiimadda ay biyuhu u leeyihiin mustaqbalka magaalada.


 

Waxa uu yidhi: "Haddii aynaan biyaha qabsan, abaartaas ayaynu ku jiri doonaa.”


 

Hadalkan Maayirka ayaa muujinaya baahida loo qabo isku duubni bulsho iyo qorshe waara oo lagu maareeyo biyaha iyo abaaraha, gaar ahaan xilliyada isbeddelka cimiladu sii kordhayo.

     
Loading...