Saadaasha Mustaqbal ee Heshiiyada Ictiraafka.

Saturday January 17, 2026 - 09:18:41
HADHWANAAGNEWS
Dhinaca kale haddii aynaan mawduucyada kala haadin



Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

In Somaliland ictiraaf hesho waa iba-furka hashii Maandeeq, haddii Allaah idmo waa guul dipla-maasi ah iyo kaadh awood badan oo dhamaan saadaasha mustaqbal jaan-goyndoona, kaasi oo awood siin doona dawlada Somaliland marka la fadhiyo miisaska wadda-haddalada dunida. Sidaa daraadeed waa ibo-fur wanaagsan marka lala akhriyo xaalada hadda taagan ee ku waajahan Somaliland dhinacyo badan oo ah waddamada deriska la ah marin-biyoodka Baabul Mandab kana mid ah meelaha ugu culus ee Saliida ama awooda tamareed ee dunidu marto.

Dhinaca kale haddii aynaan mawduucyada kala haadin, oo weerarada ku socda Somaliland dul istaaqno mawduucaa waxa muuqata abaabul xoogan oo xad-kiisa la dhaafiyay, marka waaqaca lala akhriyo kaasi oo ku qotama dano dalal kale ka leeyihiin gobolka iyo gaar ahaan geeska, oo ay ugu muhiimsan tahay marin biyoodka bada-cas kaasi oo qaabaynaya amaanka waddamada ku teedsan bada-cas. Nuxurka dooduna waa halkaa mana aha dana Somalia in la ilaalinayo iyo in Somaliland la mucaaradayo waa dano amaan oo meesha yaala iyo dawlado shisheeye oo isku dul-haysta marinkaa.

Dhibaatada ugu wayn waxa dareemaya Sucuudiga oo u socday in uu heshiis la galo dawlada hadda Somaliland la gashay balse shuruud ku xidhay ah in dawlad Falastiin ah la dhiso, taasi oo dawlada Israaiilna diinay in arrintaasi ku dhawaaqdo, balse lisaanul xaal bay carabtu tidhaahdaa oo ah carabka iyo ficilka oo kala fog dawlada sucuudigu ficil ahaan waxay samaysaa arrimo aan u adeegayn islaamka iyo muslimiinta balse danteeda u adeegaya, waana halka somaalidu tidhaa waa af-gobaadsi siyaasadeed iyo raad-gadasho gun dheer.

Halka dawlada Turkigu iyadu xaalkeedu yahay naftayda-naftayda taasi oo waaqaca dunida yaalaa uu markhaati ka yahay iyo shirkadaha ka shaqeeya waddamada ay macaamilaan oo eeg hebel qushi iyo macaashkayga. Waxa turkiga saadaashiisa mustaqbal kow ka ah in aanu hadda wax dagaal ah galin ee dhaqaale ahaan is dhiso, balse dagaalka khud-badaha Erdoğan uun shaashadaha laga daawado oo xataa aanay ku jirin eray hanjabaad ahi. Halka dawladaha ay is hayaan u hanjabaan habeen iyo maalin isaga waana qayb ka mida ka ganacsiga dareenka bulshada.

Dhinaca kale Shiinuhu isagu waa iska miskiin ka sii liita turkiga xaga milatariga marka reer galbeedku meel qabsadaan qaxoontiga qaxaya uun buu la qaxaa sidii liibiya ka dhacday iyo hadda Venezuel, oo turkigu wax buu difaacday liibiya barigaasi.

Balse doqoniimo maaha ee meel buu usocdaa oo in la joojiyo ayuu diidayaa xawaarihiisa dhaqaale iyo milatari. Dhinaca kale halkan waxa taagan dawlada Qadar iyo Emirates oo labaduba isksu eryada siyaasada naciimka ah ama siyaasada saamaynta warbaahineed iyo ta maaliyadeed oo Emirates iyo Qadar kala ah.

Taasi oo saamayn xoog-leh ku leh dunida carabta iyo baarlamaanada galbeedka qaarkood ka cawdeen sida Senate ka Maraykana saamayta uu leeyahay safiirkooda Yousef Al Otaiba waxaa saamaytooda ka cawday Senetoro ay ka mid yihiin Chris Van Hollen, Murphy, iyo Barnie Sanders fadeexadii lacagaha ee safaarada Washington.

Sidaa wageed saamayntoodu lama dhayalsan karo Emarties iyo Qadar waxayna isku haystaan anaa reer galbeedka wakiil u ah iyo anaa u ah waa siyaasad lacag iyo warbaahin ku dhisan iyo dhaqaale iyo ganacsi.

Dhab ahaantii Weerarkii Qadar lagu qaaday waxa uu ahaa dhambaal loo diray dunida carabta iyo in sharcigii caalamiga aha la laabay taasi oo saldhigii ay siisay Maraykanku ka gaabsadeen, mana saari karaan mana difaacayo Maraykan, xaaladaasi oo kale waa in aan ka foojig-naano taasi oo maanta inala taala wax ka qabashadeedu.

Marka lagu daro dawlada Masar waxay iyada wali ku jirtaa dabinkii heshiiska Kamp David 1978 ee Masar iyo Israaiil Maraykanku ku heshiisiiyay nabada ku kala saxeexdeen muddo haatan laga joogo 48 Sano. Waxa kaliya ee lagu duleeyay waa qamadigii ay beeran jireen in lagu yidhi mid bilaash ah baanu idiin keenaynaa, ee iska daaya wax beerashada, taasi oo haddii dadku kacaan qamadiga uun baa la jaraa, dadkuna furinkooda uun bay ilaashadaan.

"Masar oo furin ilaashanaysaa doodeedu waa daciif waxaan qaawiyay dhismaha dhaam biyoodka Ethiopia”.

Waxa kaliya oo aan saadaalin karaa waa in sucuudiga oo dagaalada hadda ku cusubi uu is qaad qaado balse taasi haddan maaha mid muuqata waxase ka dhaw in dawlada daciifka ah iyo bariga Gobolka sool ay dab-galiyaan bulshadaasi sidii hore hadaanay ka korin in dagaalao Magaalada Xamar laga soo raray la galiyo sidii dhici jirtay dhibaataduna bulshada bariga Sool uun baa dhibane u ahaa ilaa waagaasi. Waxayse dawladnimada bartay dawladoodii ay ka falaagoobeen ee Somaliland taasi oo Laascaanood noqotay magaalo waa cusub u barayay sidii Allaah u uumay balse maanta dabka loo sido ee ay ku faraxsan yihiin waa guuldaro kale oo ku celinaysa halkii ay ka yimaadeen sagaashamaadkii iyo dawladii Siyaad Bare,

Heshiiska haddaan warqada labaad haddaan kaga hadalno Somaliland iyo israaiil in ay ictiraaftay oo guul u ah hadda sida muuqata labada dhinac dip-lamaasiyad ahaan iyo guul laga gaadhay Ictiraafkii balse raganimo meel adag bay ku jirtaaye. Israaiil waxay la saaxiibtay waddan haysta goob ka mida goobaha dunida ugu istraatajisan taasi oo Somaliland rajaynayso maalgashiyo kala duwan.

Ubucda mawduucu waa maxaa ku xeeran khataro mawduuca Somaliland iyo Israaiil marka aan kala fogayno mawduuca inaga dhexeeya dawlada taagta daran ee Somalia iyo Somaliland oo aan ka dhigno laba warqadood oo kala madax-banaan aadna u kal haadino mid-kasta gaarkiisa u dul istaagnaa.

Sababta oo ah waa laba mawduuc oo kala fog, in waraaqaha aan isku qasno maaha sidii barigii Xamar la tagaayay waa in mid doodiisu gaar ahaato marka la joogo, dagaal iyo wax iska dhicin iyo marka la joogo in heshiis la galaayo. Gacana qoriga gacana qalinka xeesha dheer iyo kubarada maaha in labada sawir mar la wadda daawado. Dooduna maaha qaranimada waa qodob yar oo heshiis oo lagu kala aragti duwanaan karo.

Bulshada dooda xidhaa waa bulshooyinka dunida ugu dambeeya marka dooda la xidho ayuu caqligu istaagaa oo wax-soosaarkiisa joojiyaa dhalintii SNM waxay u Shahiideen oo u god-galeen in diinta si xor ah ugu noolaano dalkeena iyo in dadku si xor ah u hadli karaan. Haddii hadalka la diido waa halka ay ka bilaabmaro dawladu in ay ummada ka fashilanto.

Haddalkaan waxa ugu cajiib sanaa hadalkii uu yidhi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee macnihiisu ahaa qofkii wixiisa aad dood hufan ku dhamaysan karin waxaan u aqaan guuldaro siyaasadeed. Dooda Quraanka oo ah kitaabkeena nolosha hagaaya waxa Allaah inoogu soo bandhigay doodii isaga iyo shaydaan dhex-martay, doodii Nabi Muuse Salaan iyo amaani dushiisa ha ahaatee iyo fircoonkii guuldaraystay quraanka doodaha dhexyaalaa waa badwayn ayaynaan dhamayn karin.

Umada islaamuna waxay hadhay markii doodu istaagtay ee madaxdii iyo culimadii aqoonta kala duwan hayay umada u heshiiyeen sidii kiniisada nasaaradu samasyay.

Haddaba dawlada israaiil waa dawlad nooceeya, waa dawlad ka awood badan dawlado badan oo la isku daray dhinac walba taasi oo heerkeedu gaadhay in ilaa madaxwaynaha Maraykan ee ka horyimaadaa in uu kursiga waayo ama ku gilgilaan sidii ku dhacday Clinton, Nixon iska daa musharax soo socda in uu ka horyimaado waa dawlada awoodaa leh dhinaca dunidan aan joogno hadda balse barigii hore waxay ahaayeen magac la isku caawo ilaa haddana jira.

Sidaa daraadeed waa kaadh culus oo aad looga baqdo ahna sida maska oo xataa aan saaxiibtinimadiisa la isku halayn karin, sida ku dhacday bulshadii reer Falastiin ee ku noolaa dhulka Barakaysan ee Qudus iyo dhamaan dhulka reer Falastiin ee Israaiil ay haysato. Iyaga oo qaxoonti ay bay u yimaadeen sida qaxoontiga hadda inla jooga markii dambana kuwii soo dhaweeyay ayaa qaxoonti noqday ilaa maanta oo dunida ku kala daadsan inta gudahana waa la solays sida hilibka steega. Waana xaqiiqo waaqaca taala oo u baahan in aan la akhrimo teena.

Sababtoo ah teena waxay inoo yimaadeen iyaga oo F35 diyaarada dagaalka wata waana nooca dunida ugu casrisan waxaana haysta waddamo tiro yar. Iyaga oo qaxoonti ah dadkii ay dhulka ka qaadeen inaga oo ay inoo yimaadeen iyaga oo ku jooga F35 maxaan filan karnaa.

Marka taa lagu daro in uu dumay wixii dunida lagu harawsan jiray ee xeerka Caalamiga la odhan jiray oo dunida kale lagu dhiqi jiray iyaguna waa reer galbeedkee ay ka dul-talaabsan jireen uu maanta iyagii ku fooraro marka aad eegto waxa ka socda dalka Iceland oo Yurub oo dhami ka qaylinayso taasi oo uu Trump doonayo in uu u qaato Ruushku u qaatay gobol ka tirsan dalka Ukraine oo hadda dagaalo ka socdaan.

Sidoo kale dalalka Japan iyo Germany waa dad gob ahaan jiray oo lagumeeyay oo la yidhi noolaada uun kaliya balse nidaamka caalamka lagu maamulo shaqo ha ku darsanina aan ahay mashaariic iyo maalgalin ay la socoto kaalmo wax lagu sheego. Sidii loog adkaaday dagaalkii labaad ee dunida waa dhibanayaal aan samaysan karin nuclear ka Pakistaan oo dadkeedu shaqo la’aan baaxadi haysato kana faaiidaysatay dagaalkii qaboobaa ee lagula jiray Ruushka ee Afgaanistaan markuu socday.

Waxa ugu wayn ee dabarka u ah labadaa waddan ee Japan iyo Germany waa labada saldhig ee uu Maraykanku ku leeyahay waddamadooda kuwaasi oo gaadh ka haya dhamaan dhaqdhaqaaqooda milatari. Maadaama labada waddan ahaayeen kuwii dagaalkii ugu adkaa la galay reer galbeedka. Saldhigu ciyaar maaha waa mas aad hoosta soo gashanayso oo mara uu doono ku qaniini kara, balse ictiraafku waa xaq aan leenahay.

Marka lala akhriyo wixii ka dhacay dalka Venezuela waxa ka dhacay iyo cabsida hadda haysa waddamada diidan siyaasada Trump sida maxdaxwaynaha Columbia Gustavo Petro. Waa in aad ciidan la keenin dalkeena ka socda dalka ina ictiraafay ictiraafku waa xaq caalamiya maaha wax la dilaalo waa xaq aan leenahay balse in wax lagu kala badashaa waa dhaqan ku cusub caalamka. Inaga oo waddan ah waan in aan heshiisyo galnaa aan ku xidhnayn waan ku Ictiraafiye waxaa isii oo muuqata akhriska guud ee mandaqada geeska iyo wixii bariga dhexe ka dhacay ee dhibaato ahayd. Sharcigii caalamku wuxuu isku badalay sidii dhaqankii kaynta ee dugaaga midba ka uu ka xoogwayn yahay buu cunaa.

Markaa Egniriisku waxa uu yidhaa haddii aad doonayso nabad dagaal u diyaar garaw, haddii aad doonayso nabad weerar ahaw. Markaa Somaliland waa in ay dagaal u diyaar garawdaa jihooyin badan ah oo kala duwan, bulshaduna waa in ay baraarugtaa dhan kasta. Sunaha dunida sida Allaah u dhigay mar-kasta waxa guulaysta Xaqa wakhtigay doonta ha qaadatee, baadilkuna si kasta oo uu cirka u mara dhul u dhiciisa uun baa sii xanuun bata. Markaa Somaliland xaq masiiriya ayay ku taagan tahay waligeedna daris may weerarin.

Sida waddamada jaarka laga soo xigtay waxa ay sheegeen in mudadii ay Somaliland la macaamilaayeen aan waligood xuduudooda dhibaato kasoo gaadhin ku waajahan waddmadaa bad iyo Bariba, waana ta keentay heshiisyo in Somaliland lagu soo dhiirado. Ictiraafku wuxuu keenay xayaysiis caalamiya oo Somaliland bilaash ku heshay balse iftiin 35 sano wax la soo dhisaayay ayaa maanta dunida gaadhay oo ku jeeni qaaran Mujaahidiintii dadkan iyo dalkan u soo shahiiday.

Barigii aynu booraanta ku dhacnay ee aynu xamar tagnay xaaladu sidan oo kale ayay hayd dalka Ethiopia ayaa Ingiriisku siiyay dhulkeenii iyo dadkeenii taasi waxay keentay cabsi ah dawlada Ethiopia idinkana way idinku soo socotaaye gaashaan-buur doonta, fartaasi halkii ay inala xushay waa la ogaa iyo in diyaaradihii lacagtii umada iyagii duqaysay, iyo dhibtii iyo tiiftii inaga soo gaadhay dagaalkaa ee naf iyo moodba lahaa

Taasi oo wixii aynu dhisaynay boqol sanadood dad iyo aduunyo daawaha saarnay si aan mar uun u helno hawada xoriyada la yidhaa taasi oo aan maanta haysano, kuna dul taaganahay dhiigii shan walaalo ah oo hooyo wadda dhashay in dagaalkaa ku shahiideen si aan sharag iyo xoriyad inagu ugu noolaalo, oo maanta haysano.

Arrinta xiisaha lihi waa in dadkaasi xoriyadeenii u god-galeen iyo in diinta ilaahay xor noqoto markii Mujrimii waynaa uu yidhi kitaabka waxa ku qoran ee dhaxalka raga iyo dumarka waxba kama jiraan in quraanku badbaado ayay dadkaasi u dhinteen. Maantana kalmada tawxiidku waa taa dusheena Sudhan iyada oo aan cid kale abaal loogu hayn ilaahay iyo ummadii soo halgantay mooyaane.

Dhinaca kale marka heshiis la galaayo waa in si adag loo wadda xaajoodaa si fudud baa loo-kala baxaa, haddii si fuudud la isku galo si adag baa loo kala baxaa sida dawlada dafiicka ah ee Somalia in dhextaal. Waddamadii sida adag iskugu biiray way kala baxeen sida Suuriya iyo Masar 1958-1961. Markaa heshiisku waxa uu u baahan yahay khubaro iyo aqoon gundheer iyo saadaalin mustaqbal fog oo gaadhaysa jiilasha soo socda sida tii hore saamayteedii ilaa maanta umadeena dhibaato gaamurtay ku ah.

Haddaynaan heshiis adag galin oo ka madhan ciidamo la keeno dhulkeen guul siyaasadeed baan joognaa haddii dhulkaana ay soo dagaan khatarnaab daaqaynaa mustaqbalka fog ah. Geela waxaa dila geed jar ku yaal oo laac la yidhaa. laacu waa siyaasada habaysan oo laaca ku shaqaysa dunida. Sidii ku dhacday dadkii Oboriginal iyo Hindii casayd waxa ku dhacay waa wax taariikhda ku qoran dunidan dhulka waa lasoo kala boobi jiray qarniyadii dhawaa, wakhtigii gumaysigaa dhibaatada ugu badan dhacday, hadda boobkaasi ayaa bilaabmay oo niqaabyo badan huwan mid dhaqaale iyo siyaasadeed.

Casharkii madaxwayne Maduro waa mid ku dhici kara cid-kasta oo ka hor timaada danaha reer galbeedka oo hadda bur iyo biyo u kala baxaaya dagaalka warbaahinta ee Iceland awgii.

Haddaba Somaliland ma tufi karto Israaiil, Israaiilna ma tufi karto Somaliland oo ictriaafkii laydha ay ku raadinaysay haysata ee muslimiintu u diideen xaqooda. Sidoo kale hadda dawladaha heshiiskan ku xeeranina ma tufikaraan Somalia oo mida sidaa wageed sheekadu ama gunta haantu waa sida Somaliland u ciyaarto Kaadhkaa Siyaasadeed gudaha iyo dibada iyo sida ay u maasho heshiiska, iyo sida khataraha ku xeeran uga gaashaamato.

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin. [email protected]

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...