Hadhaagii Kulmiye: Cudur Siyaasadeed oo Daalan uma baahna dalku mar kale.
Dhiig Cusub iyo Aragti Siyaasadeed oo Indheer
-garad ah ayay Somaliland u baahan tahay.
*Hordhac:
Somaliland waxay taagan tahay meel isgoys taariikhi ah. Muddo 14 sano ah,
hal xisbi iyo hal jiil siyaasadeed ayaa gacanta ku hayey talada, balse natiijadii ay reebeen waa burbur siyaasadeed kala qaybsanaan, dib u dhac, konteener ayay dalkii ka fhigeen ,
Jeelweyn oo dusha ka furan kala qeybsanaan bulsho, iyo niyad-jab qaran. Maanta, ummadda Somaliland waxay si buuxda u garawsatay in aan mustaqbalka lagu aamini karin kuwii shalay fashilmay ee loo baahan yahay
dhiig cusub, aragti cusub,
iyo hogaamiye indheer-garad ah oo dalka u horseedi kara horumar dhab ah.
Hadhaagii Kulmiye: Cudur Siyaasadeed oo Daalan uma baahna dalku mar kale.
Marka la eego saddexda guddoomiye ee xisbiyada qaran ee waaweyn ee Somaliland:
Gudoomiye: Xirsi Cali X. Xasan , Waddani, balse hore u ahaa Kulmiye.
Maxamed Kaahin Axmed , Guddoomiyaha Kulmiye laftiisa ee iminka iyo ku xigeenadiisa oo dhan , waa wada tuuris , jabkii ciidanka qaranka isagaa ka masuul ahaa.
Maxamuud Xaashi Cabdi Guddoomiyaha Kaah, isna Kulmiye ayuu ahaa , waxa uu u geystay Somaliland waynu wada ognahay xiligii uu wasiurka ahaa.
Su’aasha ugu weyn ayaa ah:
Ma Kulmiye ayaynu dib u soo celinaa
mise mustaqbal cusub ayaan dhisaneynaa?
Dadka Somaliland waa kuwo dulqaad badan, balse dulqaadkoodu ma aha in la aqbalo musuq, boob iyo eex joogto ah.
Hadhaagii Kulmiye waxay noqdeen koox aan lahayn aragti cusub, aan haysan qorshe dhaqaale ama horumarineed, oo kaliya ku tiirsan isku-dabameeraysi iyo dano gaar ah.
*Maxaa Laga Rabaa Hogaanka Cusub?
Hogaanka mustaqbalka Somaliland waa inuu ahaadaa mid aqoon leh, daacad ah, iyo aragti dheer, kana fikiraya mustaqbalka 30 sano ee soo socda, ma aha kaliya doorashada xigta.
Waa inuu xoogga saaraa:
1-
Xoolaha iyo dhaqaalaha reer guuraaga , kobcinta suuqa iyo ilaalinta deegaanka.
2-
Beeraha iyo biyo-xidheenada ,
si loo hubiyo amniga cuntada.
3-
Kaluunka iyo badaha awood aan la taaban karin oo aan la maalgashado.
4- Macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah ,
in si caddaalad ah loo maamulo, loona beddelo shaqo iyo dakhliga shacabka.
5- Wershedaha iyo farsamada gacanta
si dhalinyaradu shaqooyin u helaan.
6-
Dalxiiska iyo hiddaha in caalamka lagu tuso Somaliland cusub oo furan, deggan, oo rajo leh.
*Dhiig Cusub: Hal-ku-dhegga Isbeddelka:
Dhiig cusub micnaheedu ma aha dhalinyaro keliya;
waa dad cusub oo maskax cusub wata.
Waa kuwa aan ku tiirsanayn qabyaalad, aan c eex, oo aamminsan in waddaniyaddu ay ka sareyso xisbiga, qabiilka iyo dan gaar ah.
Hogaanka noocaas ahi waa mid:
U hogaansan isla-xisaabtan iyo daah-furnaan.
Aaminsan in awoodda dawladdu tahay adeeg,
ma aha maalgelin shakhsi ah.
U adeegaya shacabka, kana fikiraya jiilka soo socda.
*Gunaanad: Somaliland Waxay u Baahan Tahay Aragti Cusub
Somaliland ma aha dal la waayay fursad;
waa dal la waayay hogaamiye fursadda garta.
Waxaan maanta u baahanahay isbedel dhab ah, ma aha magacyo cusub oo wata wajiyo duug ah oo la soo tijaabiyay hore.
Mustaqbalka Somaliland waxaa dhisi kara keliya jiil cusub oo siyaasadeed oo ka rumeeya oo aragti leh siyaasadeed:
Qaran lagu dhiso caddaalad, aqoon iyo aragti ,
waa qaran waara.
Hadhaagii Kulmiye waa inay taariikhda ku ekaadaan, si Somaliland u yeelato hogaamiye cusub oo rajo iyo horumar horseeda.
Qalinkii:
Cali Biixi