Xisbigu wuxuu xusay in tobannaan sanno oo takoorkii iyo xasuuqii
Brussels-Xisbiga mucaaradka ah ee Jabuuti ee Force Progressiste pour le Changement (FPC) ayaa soo saaray bayaan saxaafadeed uu ku muujinayo taageerada ay u hayaan jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Bayaankan ayaa lagu xusay in 26-kii Juun 1960 ay Somaliland, oo markaas ahayd maxmiyad Ingiriis, xorriyaddeeda qaadatay, isla markaana ay shan maalmood kadib la midowday Soomaaliya oo Talyaanigu xornimada siiyay 1-dii July 1960, si loo sameeyo Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xisbigu wuxuu xusay in tobannaan sanno oo takoorkii iyo xasuuqii ay dowladdii dhexe ee Muqdisho ka geysatay Somaliland ay sababeen kacdoon hubeysan oo uu horseed ka ahaa ururka SNM, kaas oo dagaal adag kula galay xukunkii markaas jiray ee Soomaaliya, ugu dambayntiina la riday taliskii Siyaad Barre.
Warsaxaafadeedka mucaaridka Jabuuti waxa lagu sheegay Kadib burburkii xukunkaas, ayay Somaliland 18-kii May 1991 dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda.
War murtiyeedkaas wuxuu tilmaamay in Somaliland ay dhistay dowlad shaqaynaysa, ciidan, lacag u gaar ah iyo nidaam dimuqraadiyaddeed oo xasiloon, taas oo si weyn uga duwan xaaladda fowdada ah ee ka jirta Soomaaliya.
Xisbiga FPC wuxuu sheegay in 34 sanno kaddib, gaar ahaan 26-kii Diseembar 2025 oo la aqoonsaday Somaliland ay la yeeshaan siyaasad ku dhisan iskaashi goboleed iyo deris wanaag, iyadoo ay xushmaynayaan dowladda Somaliland.
Xisbigu wuxuu hambalyo diirran u diray Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo guud ahaan shacabka Somaliland, isagoo ku tilmaamay Somaliland dal madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda.