Aqoonta iyo xikmadda

Thursday January 01, 2026 - 11:02:57
HADHWANAAGNEWS
Haddaba, marka ay timaado xikmaddu , aqoontii waxaad u


Dabciga Illaahay u abuuray aadamiga, waa inay awood u leeyihiin kasbashada aqoon doora , sidoo kale inay xikmad kasbadaan. Alle waa xikmad badane.

Waxa ay xiiso leedahay ama dhadhan leedahay, marka labada ba isku darsato ( xikmad iyo aqoon). Haddii aad leedahay aqoon badan, laakiin aannad lahayn xikmad, aqoonta waxaad u adeegsanaysaa si xun. Miyaannad arag, aqoonyahanno aqoontii u adeegsaday inay baananka ku jebsadaan? Miyaannad arag kuwo xisaabiyayaal ah oo ku baraaya sida qalinka wax loogu xado ama wax loo khiyaamo? Aqoontii oo si xun loo adeegsaday miyayna ahayn?

Haddaba, marka ay timaado xikmaddu , aqoontii waxaad u adeegsan kartaa waxyaabaha wanaagsan oo dhan; halka ay ku habboonayd ayaa dhigaysaa.

Diinta Islaamka cilmigu waa mid qiimo leh, balse xikmadda ayaa ah ta jihaysa.
Aqoontu waxaa ay kuu sheegaysaa waxa uu shaygu yahay, halka xikmaddu kugu hagto sida nolosha ugu dabaqi lahayd, adiga oo raacaya, caddaalad, samir iyo iimaan.

Tani waxa ay inna xasuusinaysaa ama iftiiminaysaa farqiga Rabbaaniga ah ee u dhexeeya xikmadda iyo aqoonta; sida labaduba u yihiin haddiyad ka timid xaga Rabbi , sida Quraanka iyo Sunnaduba inoo baraan in aynu isku dheelitirno ( labadooda)

Guusha dhabta ahi , kuma jirto inaad wax badan taqaanno oo keliya, balse waxay ku jirtaa inaad si xikmad leh u noolaato.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...