Qaninimada Qofka iyo Qiimeynta Aqoonta, sideedaba waxaa la yidhaa aqoontu ma dhammaato, laakiin waxaa lagu qiimeeyaa inta qofka, waxa uu soo bartay intuu ka yaqaan, fahamka ugu horeeya ee lagu qiimeeyo waa luqada uu wax ku baraanayo intuu ka yaqaano iyo sida fog ee ay ugu duxdo luqadaas ama sida uu ugu tiiq-tiiqsado sarbeebaheeda iyo sababeynta macnaha ereyooyinka, taasoo goorwalba dheer tahay fahamka erey bixinta iyo kala doorashada ereyada, halkey ku haboon tahay iyo halku dhigooda, iyadooy jirto luqad guud iyo mid gaar ah, taasoo gaar u ah, hadba mawduuca laga hadlaayo, hadii ay noqoto, Dhisme, Caafimaad, Gaadiiid, Waxbarasho, Degaan, Dhaqaale, Siyaasad, Diin, Isboorti iwm.
Si kastaba ha noqotee, qof kasta oo yaqaana xisaabta wuu ka hor bartaa dadka kale luqad walba oo dunida jirta, waayo luqad waliba waxay gaar u leedahay loojik, suurtagalnimo ama macquulnimada ay salka ku hayso, qofka xisaabta u dhuun-daloola, waxa uu si fudud u fahmi karaa sida ay xisaabtu u leedahay macquul taxane ah oo aan la garab mari kareyn, cabiraada fahamka luqadeed ayaa jaango’aysa Aqoontiisa guud iyo ta gaarka ahba.
Cilmi baadhayaasha Aqoontu waxay cilmi baadhidooda kusoo gunaanadeen Qaninimada Qofka iyo Qiimeynta Aqoontu in luqadu tahay furaha maskaxda u saamaxa fahamka mawduuca laga hadlaayo iyadoo noqota mid guud iyo mid gaar ah, sidaynu ognahay luqad weliba oo dunida jirtaa waxay salka ku haysaa dhaqan, dhaqan kaasoo ku qotoma ilbaxnimo iyo hab-dhaqan u gaar ah oo uu dadka dheeryahay dadyowga kale ee dunida. Iyagoo sii dhiraan-dhirinaaya mawduucooda Qiimeynta Aqoonta ayaabey kala siiyeen kala-sareyn iyo Qiimeyn u gaar ah.
Abaal marinta ugu hoseysa ee lagu abaal mariyo ayaa ah Maarta, Ardeyga dugsiga hoose dhigtaa waa inuu yaqaano 50 erey oo ah luqada uu wax ku baranaayo, halka ardeyga dugsiga dhexe looga baahan yahay 100 erey, sidoo kale ardeyga dugsiga sare waa inuu ka sareeyaa kuwan xaga sare ku xusan oo uu yaqaanaa 200 oo erey.
Qallinka, ardeyga machadka dhigtaa waa inuu garanaayo 400 oo erey, ardeyga isu diyaarinaya jaamacada waa inuuu yaqaano 500 oo erey, halka ardeyga sannadka ka horeeya Jaamacada waa inuu fahmi karo 750 oo erey looga baahan yahay.
Kaalinta abaalmarineed ee kale ee jirtaa waa Dahab, ardeyga digriiga 1aad waa inuu aqoontiisu dhaafsiisan tahay 1000 erey halka qofka mastarka looga baahan yahay inuu si fudud u heli karayo 2000 oo erey, qofka haysta PHD ama shahaadada sare ee jaamacada waa inuu aqoon u leeyahay 3000 oo erey.
Abaal marinta ugu sareysa ee lagu abaal mariyo oo ah Dheeman ayaa macalinka jaamacada ama parfasoorka ay tahay inuu ku xaragoon karaayo 5000 oo erey oo uu wax dheer yahay ardeydiisa, halka Qoraaga looga baahan yahay inuu yaqaano 7500 oo erey, ugu dambeyntiina ay tahay abaal marinta aqooneed ee Cilmi baadhaha ee Akademiga ah inuu yaqaano 10000 oo erey oo u saamaxaysa inuu si farshaxinimo leh ugu hadli karo luqadaas una qori karo isagoo is bidaaya inuu wax dheer yahay kuwa kale, oo ah Qiimeynta Aqooneed halka lagu kala reebo, koleyba cidwaliba ma sheegan kareyso wax aysan ahayn iyadoo Aqoontu sidaa u kala qiimo sareysa, ayaa hadana waxaa jira Cabiraada Caqliga shucuureed waxaa inta badan lagu cabiraa su’aalo wareysiyo iyo is-qiimeyn kuwaasoo lagu sahmiyo awooda lagu Aqoonsado fahamka iyo Maareynta shucuurtiisa, sidoo kale garashashada iyo ka jawaabista dareenka dadka kale oo ah halka lagu misaamo kala sareynta Aqoonta iyo Qiimeynteeda.
Garashada waxaa loo yaqaan Aqoonta Caddaynta, Aqoonta hab-socodka waa garashada sida wax loo sameeyo, Aqoonta dhabta ahina waa garashada sababta iyo goorta la samaynayo ficilka fahamka, garashada sifooyinka gaarka ah ee shayga laga hadlaayo, Aqoonta Dabeecadda waa hawlgalka ay maskaxda bini’aadamku ku falanqayso shay, xaqiiq jirta, kuna qeexdo dabeecadiisa.
Aqoon Dareen leh. Aqoonta Dhaqameed iyo kuwa casriga ah, ayaa loo arkaa fahamka marxaladaha la joogo markaa.
Waa maxay ujeedadda Aqoontu? Aqoontu waa xidhiidhka lala yeesho fahamka beyadda ama aduunka kugu xeeran kaas oo ujeeddadiisu tahay inaad abuuri karto jewi degan oo aad ku sameyso horumar adigoo sababeyn kara.
Waa maxay farqiga u dhexeeya Aqoonta iyo Cilmiga?
Aqoontu waxay noo ogolaataa inaan fahanno xaqiiqda jirta, si aan fikrad uga helno xaaladaha nagu xeeran, halka Cilmigu yahay deraasaad iyo khibrado la weeleeyay oo lagaga midho dhalliyo xalinta duruufaha markaa jira iyo ka jawaabidda baahiyaha jira sidii looga gudbi lahaa.
Qoraa Yaasiin Daahir Cumar (Yaas Daher)