Weftiga ayaa masuuliyiinta Safaarada ka xog waraystay xidhiidhka dalalka
Wefti uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga talada haya ee Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo ay wehelin gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Yuusuf Axmed (Waabeeye) iyo Axmed Yuusuf Xuseen ayaa maanta booqasho sharafeed ku tegay saafaradda Somaliland ee dalka Kenya.
Weftiga ayaa masuuliyiinta Safaarada ka xog waraystay xidhiidhka dalalka Somaliland iyo Kenya ee dhinacyada, siyaasada, dhaqaalaha, maalgashiga, ganacsiga, iyo bulshada balaadhan ee ku dhaqan dalkaasi iyo guud ahaan Bariga Afrika.
Sidaasi waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen madaxda Safaaraddu.