Todobaadkan waxa aan ku lafo guri doona Barnaamijkeena Arrimaha Bulshada ee Wargeysaka Dawan Biyaha Roobka iyo sida looga faa,iidaysan karo haddii uu caqliga dadkeenu si wanaagsan u shaqeeyo oo aynu dareeno khasaaraha inaga soo gaadha sanad kasta abaaraha iyo Biyo la,aanta iyo nabaad guurka inaga dhameeyey Xoolihii deegaankiina inaga qaribay.
Qabashada biyaha roobku (Rainwater Harvesting) waa xirfad lagu qabanayo biyaha roobka ee laamiyada iyo dooxyada magaalada dhex yaacaya si loogu fushado adeega aasaasiga ah; sida cabitaanka, maydhashada iyo waraabsiga beeraha.
Marka laga hadlaayo xaaladaha Biyo la,aanta waxa markiiba in badan oo dadkeena ah ku soo dhacda Biyo la,aanta Hargeysa Caasimada Somaliland taas oo ah caqabad wayn oo ilaa hada xal loo laayahay xataa iyada oo maal badani ku baxay hadana aan ilaa maanta la hayn Biyo Caasimada wada gaadha waxana intaa u sii raaca, iyada oo maanta ay magaaladii soo buux dhaafiyeen dadkii Baadiyaha ku noolaa kuwaas oo ku soo baro kacay abaaraha naafeeyey dalka iyo sidoo kale isbeddelka cimilo dunida oo iyana ina saamaysay.
Hadaba waxa ay is waydiintu tahay sidee ayeynu uga bixi karnaa biyo la’aanta innagu habsatay? Sidee ayeynu uga faa’daysan karnaa biyaha roobka? Ma qabsan karnaa biyaha roobka xilli roobaadka si aynu u isticmaalno xilliyada roob la’aanta (Dry Seasons)?
Sida aynu ognahay dadkeenu ma samaystaan kaydad biyood ku filan gaar ahaan dhaamamka (Dams) iyo Berkadaha (underground structures, sida caadiga ahna biyaha waxaa lagu helaa saddex qaab, biyaha dhulka ku kaydsan (groundwater) iyo biyaha roobka qabashadooda (Rainwater harvesting), saddexdan qaybo mid weliba waxay u kala baxdaa qaybo badan oo ka sii farcama, tusaale ahaan biyaha oogada (Surface water) waxay ka koobanyihiin biyaha.
Biyuhu waa nimcooyinka Allah ku manaystay makhluuqaadkiisa, biyuhuna waa nolosha,. Byiaha Faa’iidada ay leeyihiin maaha mid aynu qoraal iyo barnaamij ku soo koobi karno, balse tusaale hadii aynu biyaha roobka u samayno meelo loogu talo galay laguna qabto khaasatan meel godan oo biyuhu ku kaydsami karayaan, waxa Engineer- ahaan loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah (Roof harvesting ) biyaha saqafka laga qabto ama oogada shay guriga ka sareeya sida jiingada, saqxadda sare ee guryaha sagbadda ah IWM iyo (Ground harvesting) oo ah in la qabto biyaha roobka ee qulqulaya, qaabkani waa qaab ka jira meelo ka mida dalkeena horena uga jiri jiray waxaanu ka kooban yahay Dams (balayada), Barkadaha IWM oo ah kaydada ugu badan ee dalkeena laga isticmaalo siiba meelaha magaalooyinka waaweyn ka baxsan.
Hadaba Biyaha qaababka dadkeenu uga faa’iidaystaan ma yihiin qaar ku haboon oo laga haqab beelayo?.
Jawaabtu waa maya waa midda koowaade dadkeenu ma samaystaan kaydad biyood oo ku filan gaar ahaan dhaamamka (Dams) iyo Berkadaha (underground structures) oo maaha qaar dabooli kara baahida biyood waayo aad ayay u yar yar yihiin waxayna biyaha kaydiyaan saddex bilood oo aan roob ku di’in marka celceliska la eego waayo xoolaha aynu dhaqano waxay u baahanyihiin biyo ku filan taasina maaha inay baahidooda biyood dabooli karaan (dams) iyo Berkadaha dalkeena ka jiraa waana wax aad u kala fog. Arrinta labaad waxaa weeye dalkeenu waa dal kulayle ah biyo badan ayaa uummi baxa (evaporation) mararka qaarkoodna waxaa dhacda inaan sahamis lagu samayn meesha wax laga qodayo siiba dhamamka (dams) oo laga yaabo inayna ahaynba goob ciideedu nugushahay oo biyaha si deg deg ah u sii daysa (infiltration), waa arrimo muhiim ah oo ay tahay in qorshaha lagu darsado.
Sidaa darteed Abaaraha naafeeyey dalkan saboolka ah ma aha mid lagu xallin karo deeq la helay balse waa in dadweynaha iyo dowladdooduba fadhiga ka kacaan oo loo jihaysto sidii looga bixi lahaa dhibaatadan inala dagtay, waana in Dowladda Somaliland diyaariso qoorsha guud (Master Plan) ee hormarinta biyaha dalka: gaar ahaan Biyaha Roobabka.
Hadii aynu xidhano Biyaha Roobka waxa hubaal ah in Qof , Qoys Qaranba aynu ka bixi lahayn dhabaatada iyo aafada Abaaraha inaga oo xoogeena maali lahayn oo siyaabo badan uga faa,iidaysan lahayn biyahaasi, waxana meesha ka bixi lahaa Biyaha sanad walba ina dhaafa ee ku biira Badwaynta inaga oo u baahan….