Kaariye, ayaa lagu sheegay in abaabulka colaadahan ay dabada ...
Xisbiga KAAH ayaa si adag uga digay durbaannada colaadeed ee la tumayo, si dagaallo uga qarxaan gobollada bariga Somaliland, kuwaas oo halis ku noqon kara xasiloonida guud ee gobolka Geeska Afrika.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KAAH, Dr. Barkhad M.
Kaariye, ayaa lagu sheegay in abaabulka colaadahan ay dabada ka riixayaan maamulka taagta daran ee Muqdisho iyo xulafadooda shisheeye, kuwaas oo lagu eedeeyey in ay danahooda gaarka ah u adeegsanayaan fawdo iyo fursado siyaasadeed oo muran dhalinaya.
"Waxaan si cad u sheegaynaa in qorshahani aanu ku ekaan doonin Somaliland oo keliya, balse uu halis weyn ku yahay nabadda iyo deganaanshaha mandaqadda oo dhan,” ayuu yidhi Dr. Kaariye.
Xisbiga KAAH ayaa ugu baaqay beesha caalamka, ururrada gobolka iyo dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed in ay si degdeg ah uga hortagaan tallaabo kasta oo keeni karta khalkhal siyaasadeed iyo mid amni oo hor leh.
Waxa kale oo uu xisbiga ku adkaystay in xal kasta uu ku yimaado wada hadal iyo is-afgarad, halkii lagu baaqi lahaa ficillo militari ama dagaal siyaasadeed.